read more »">
Calendar

Shir laga falanqaynayo sahaminta shidaalka Soomaaliya oo ka furmay magaalada London

Shir looga hadlayo sahminta iyo baarista shidaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo shirkan uu soconayo muddo saddex cisho ah, isla markaana ay ka qeyb galayaan wasiiro ka tirsan Xukuumada.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Shirkada Soma Oil And Gas oo dhowaan heshiis kula gashay dowladda Soomaaliya sahminta iyo shidaal baaris laga sameeyo qeybo ka mid ah badda iyo Berriga Soomaaliya.

Wasiirka Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Maxamed oo shirkan ka qeyb galaya ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay sidii looga faa’ideysan lahaa dhiira gelinta sidii dalalka soo koraya ay kheyraadkooda dabiiciga ah uga heli lahaayeen dalkooda.

Mr C/risaaq ayaa sheegay in shirkan uu kala qeyb galayo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dowladda, isagoo xusay inay ka soo qeyb galeen shirkado waa weyn oo batroolka, wasiiro afrikaano ah iyo madax kale.

Shirkan ayaa mudada uu soconayo looga doodi doonaa suurta gelnimada baaris shidaal oo laga sameeyo Soomaaliya, iyadoo shirkada horboodeysa oo ka diiwaan gashan dalka Britain ee lagu magacaabo Soma Oil and Gas ay ka bilaabi doonto dalka sahmin ay ku sameyn doonto qeybo ka mid ah badda iyo berriga oo baaxadiisu dhan tahay 60’000 oo KM Square.

Golaha Wasiirada ayaa Khamiistii la soo dhaafay ansixiyay heshiiska dowladda Soomaaliya la gashay shirkada Soma Oil and Gas, iyagoo soo dhoweeyay horumarinta maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha si looga baxo faqriga.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: