Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay saraakiisha militariga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulmay Saraakiisha ciidamada xooga dalka, iyadoo kulankan ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga iyo Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka.

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa ugu horeyn kulanka waxaa uu warbixin kooban uu siiyay Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo uga warbixiyay guulihii ugu dambeeyay ee ay gaareen ciidamada xooga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in ciidamada ay guulo ka gaareen la dagaalanka Shabaab, isagoo bogaadiyay in mar walba ciidamada u taagan yihiin ka difaacida cadawga dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya.

“Waxaan aad iyo aad ugu qanacsanahay isbeddelada iyo dardarta Ciidamadda Xooga dalka iyo waliba sida geesinimada leh ee uu dagaalamayo askariga Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in askariga Soomaaliyeed uu ka adkeysi badan yahay kuwa caalamka, isla markaana ka dulqaad badan yahay.
“Waxaan hubaa in askariga Soomaaliyeed ee ka adkeysi badan yahay kuwa caalamka kana dulqaad badan yahay dhan walba, marka loo fiiriyo duruufaha ciidankeennu ku jiro, haddana iyadooo sidaa tahay ka xorreynaya dalka Al Shabaab Tusaale ahaan Dhowaan Degmada Mahadaay ayey xorreyeen ciidankeennu waliba iyagoo kooban”ayuu yiri Madaxweynaha
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidamadda Xooggga dalka inay ilaaliyaan Karaamada Umadda Soomaaliyeed.

“Haddii aan rabno in aduunka qiimi kulahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay Ciidank, Ciidankuna in uu qiimi lahaadana waxay ku xiran tahay in shacabka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah”ayuu yiri Madaxweynaha.

“Dowladda waxay go’aan ku gaartay inay muhiimadda Koowaad siiso ciidanka dhanka mushaar bixinta, lacagta Dowladda soo gasho, waxa ugu horeeyo ee laga bixiyanayo waa Mushaarka Ciidanka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka ee kulanka la qaatay Madaxweynaha ayaa ballan qaaday kor u qaadista aqlaaqada Ciidamadda iyo ilaalinta xaqdhowrka shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dhammeystirka howagalladda dalka looga xorreynayo Kooxda Al-Shabaab.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: