Calendar

Shir looga hadlayay Doorka Warbaahinta ee joojinta gudniinka Gabdhaha iyo Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya oo Holland lagu qabtay (SAWIRRO)

shir8

Shir looga hadlayay doorka ay Saxaafadda ku leedahay Dastuurka qabyada ah iyo joojinta gudniinka gabdhaha ayaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Horumarinta Warbaahinta ee Hayaan (HAYAN MEDIA AND DEVELOPMENT CENTER), isla markaana ay maalgelisay Dalladda Ururrada Soomaaliyeed ee FSAN ayaa waxaa ka qeybgalay wariyayaal badan, madax ka socotay Ururo Soomaali ah oo ka jira Dalka Holland iyo marti sharaf kale.

Ka qeybgalayaasha shirkan ayaa si aad ah uga dooday doorka Saxaafadda ay ku yeelan karto labadaas qodob ee kala ah joojinta Gudniinka gabdhaha iyo Dastuurka hadda qabyada ah ee loo sameynayo Dalka Soomaaliya.

Waxaa furitaankii shirka ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Soomaaliyeed ee FSAN Xuseen Qadiib, wuxuuna ugu horreyn soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha shirka, kaddibna wuxuu faah-faahin ka bixiyay Dalladda Ururka FSAN, waxyaabaha ay qabato iyo sida loo sameeyay markii hore.

shir5

“Dalladda Ururrada Soomaaliyeed ee FSAN waxaa soo abaabulay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo wiilal iyo gabdho isugu jira. Dadka qaar waxay isweydiiyaan sida Soomaali ay wax ugu heshiin karaan, marka annaga taas waxaan uga jawaabnaa Soomaaliya ayaa leh Dalladda FSAN”ayuu yiri Xuseen Qadiib.

Wuxuu intaas ku daray Guddoomiyaha FSAN in Ururrada ku bahoobay FSAN ay isugu jiraan kuwo ka shaqeeya Dalka Holland oo ay xaruntiisa tahay iyo Dalka  Soomaaliya gudahiisa min Koofur ilaa Waqooyi.

“FSAN muhiimaddeeda ugu weyn waa in ay caawiso ururrada Soomaaliyeed ee dalkan ku sugan, ayna uga turjunto dowladda waxyaabaha ay u baahan yihiin. Ururro badan ayaana u caawinnaa siyaabo kala duwan, sidoo kalena waxaan caawinnaa Ururro ku sugan dalka Soomaaliya gudihiisa.

“Dalladda FSAN waajibaadkeeda waa in uu dadka Soomaaliyeed wacyigeliyo, kuna wacyigeliyo wax kasta oo dhib uga imaan karo iyo wax kasta oo xumaan leh, waayo waxaan u shaqeyno waa dadka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan, waxaana rajeynayaa haddii aan iskaashanno warbaahinta in aan wacyigelin badan sameyn karno”ayuu yiri Xuseen Qadiib.

Dalladda FSAN oo la aas-aasay sanadkii 1994-kii ayaa waxaa ku bahoobay 56 urur oo kuligood Soomaali ah, waxayna dhaqdhaqaaqyo kala duwan ka hayaan dalalka Netherlands iyo Soomaaliya.

shir6

Sahra Naaleeye oo ka socotay Dalladda FSAN ayaa shirkan ka hadashay, waxayna si qoto dheer uga hadashay Dhibaatada gudniinka gabdhaha iyo sida loogu baahan yahay in laga qeyb-qaato in joojinta gudniinka.

“Dhibaatada waxaa ka mid ah Bakteeriya timaada marka caadada ku xiranto, iyagoo xitaa xanuun uu u dheer yahay, gudniinka marka lagu sameynayo oo aan dhiig-joojin lagu durin gabdhaha, xiliga guurka oo ay xanuun daran la kulanto gabadha”ayay tiri Sahra Naaleeye oo xustay in doorka culumaa’udiinka ee arrintan ku saabsan.

“Gabadha Soomaaliyeed ma faraxsano habeenka ugu horreeya ee ay aqal-geleyso marka la guursado, waayo waxay la socotaa dhibaatada lagu sameeyay markii sida xun loo jar-jaray ee haddana la isku qodbay, taasina waa dhibaato aan wada ognahay oo muddo dheer aan ku soo jirnay, loona baahan yahay in aan iska wacyigelinno”ayay hadalkeeda ku sii dartay Sahra Naaleeye.

“Waxaa la dhahaa gudniinka gabadha wuxuu u keenaa nadaafad, guurkeeda ayuu u wanaagsanaaanayaa, laakin taasi waxaa la ogaaday in ay tahay mid xaqiiqda hareer marsan waayo gabadhii la qodbay ee caadada ku xiran tahay nadaafad ma heysato waxaaba taasi uga sii daran in ay xanuunno u yimaadaan. Horraantii sagaashamaadkii ayay dowladda Holland joojisay noocyada gudniinka, iyadoo markaasna la joojiyay in la gudo gabdhaha, qofkii lagu helo qodobkaasna la gudayo”ayay tiri Sahra Naaleeye oo sheegtay in marka ay Dowladda Holland sharcigaas soo saareysay laga horyimdi sharci kale oo ay ku qafiifineysay xanibaadda gudniinka.

Labo film oo uu midna ku saabsanaa dhibaatada gudniinka fircooniga ah ee Adduunka iyo mid kale oo ku saabsan xiliga ay dadka Soomaaliyeed bilaabeen la-dagaalanka gudniinka fircooniga ah, kuwaasi oo macno weyn xambaarsanaa.

cali

Sidoo kale waxaa furitaanka Shirka ka hadlay Guddoomiyaha Xarunta horumarinta Warbaahinta (Hayan Media Development Center) Cali Daahir Ciid, wuxuuna ugu horreyn soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha shirka oo uu uga mahadceliyay sida ay uga soo xaadireen shirka.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa sida aad uga soo qeybgasheen shirkan aan isugu nimid, idinka oo dalal kala duwan ka yimid, Intaas kaddib Hayan Media waxay shirkan u soo qaban qaabisay sidii ay wariyayaasha Soomaaliyeed qeyb uga qeyb-qaadan lahaayeen joojinta halista gudniinka gabdhaha maadaama gudniinka uu dhibaato weyn leeyahay, warbaahintuna ay tahay tan bulshada ka wacyigelin karta”ayuu yiri Cali Daahri.

“Hayan Media waxay sii wadi doontaa shirarka noocaan oo kale ah ee waxtarka u leh Wariyayaasha iyo qeybaha kale ee bulshada, annaga oo la kaashan doonna Dalladda FSAN iyo ciddii aan iska kaashan karno” ayuu yiri Daahir Ciid oo Wariyayaasha ugu baaqay in ay hirgeliyaan dhammaan waxyaabihii shirka ka soo baxay.

nafisa

Nafiso Nuur Cusmaan oo ka tirsan Wariyayaasha ku sugan dalka Holland ayaa ka hadashay doorka Warbaahinta ay ku yeelan karaan joojinta gudniinka fircooniga ah, waxayna sheegtay in warbaahinta ay dalkooda iyo dadkooda wax u qaban karaan haddii ay wanaagga ka shaqeeyaan.

Ugu horreyn waxay ka hadashay awoodda saxaafadda iyo sida ay dadka u saameyn karto xumaan iyo sammaan, “Warbaahinta haddii ay si wanaagsan u shaqeyso waxay bedeli kartaa wax badan, marka waxaan leeyahay warbaahinta door muhiim ah ay ku yeelan kartaa joojinta gudniinka fircooniga ah”ayay tiri Nafisa Nuur Cusmaan.

“Gudniinka waxaan iri eray-bixin ahaan {Gudniinka wuxuu la mid yahay adiga oo caafimaad qaba oo dhaqtar u tegay oo qalliin laguugu sameynayo}, taasi oo xanuunkeeda leh si kasta oo xanuunka loo ilowsiiyo”ayay hadalkeeda ku sii dartay Nafiso Nuur Cusmaan oo sheegtay in saxaafadda ay hadda ku dadaaleyso sidii ay arrintaas gacan uga geysan lahayd.

shir2

Axmed Maxamed Cali Kiimiko oo ka socday Ururrada u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ka hadlay shirka, wuxuuna sheegay in arrintan gudniinka gabdhaha ay tahay mid xadgudub ku ah Xuquuqda Aadanaha, sidoo kalena aan raad ku lahayn diinta Islaamka, “Haddii uusan gudniinka gabdhaha sal ku lahayn diinta Islaamka waxaa muuqata in waxani xadgudub yihiin, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago”ayuu yiri Axmed Kiimiko.

shir1

Laki Xaaji Waceys oo  Wariye/Fannaan ah ayaa waxay ka hadashay doorka Warbaahinta iyo Fannaaniinta, waxayna sheegtay in ay labadaba ka sameysay Wacyigelin, haddii ay ahaan lahayn barnaamijyo wacyigelin ah oo ay ka sameysay iyadoo la shaqeyneysay TV-ga ETN iyo Fanka oo ay heeso ku saabsan dhibaatada gudniinka gabdhaha sameysay.

Doorka Warbaahinta ee Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya

Shirka qeybtiisa labaad waxaa looga hadlay Doorka ay Warbaahinta kaga aaddan Dastuurka Qabyada ah ee dalka Soomaaliya loo sameynayo. Qeybtan oo dood ahayd, isla markaana uu guddoominayay Wariye C/Salaan Hereri, waxaana ka qeybgalay wariyayaashii shirka fadhiyay.

shirka2

Inj. C/qaadir Macallin Shaakir oo aqoonyahannada ku dhaqan dalka ayaa ka hadlay xuquuqda dastuurkii Soomaaliya loo sameeyay 1960-kii iyo midka haatan loo sameynayo Soomaaliya ay siiyeen Warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka hadlay madax bannaanida saxaafadda iyo mas’uuliyadda saaran warbaahinta iyo warfidiyeennada ka shaqeeya.

Intaas kaddib ka qeybgalayaasha shirka ayaa waxay si weyn uga doodeen arrintan dastuurka loo sameynayo Soomaaliya, waxayna inta badan dadkii hadlay ay isaga mid ahaayeen in saxaafadda ay madax bannaan tahay hayeeshee warfidiyeennada qudhooda looga baahan yahay in ay ilaaliyaan mas’uuliyadda saaran ee ah in aysan xadgudubin bacdamaa ay xuquuq warfaafineed yeesheen.

Wariye Maxamed Yusuf Ahmed oo ka mid ahaa wariyayaashii halkasi ka hadlay ugana  yimid shirkan wadanka Swedan ayaa sheegay in dastuurka somaliya muhiim u yahay dalka oo dhan,laakin waxa  uu sheegay in lagu cadeeyo xuquuqda warbaahinta,taasi oo haddii aan la helin ka dhigi karta inuu dalka somaliya yahay mid aan la jaan qaadi karin dunida  horumartay. Waxaana ugu danbeyntii Hay’adda Hayaan Media  oo shirkan qabatay ugu baaqay sii xoojinta kulamada wariyayaasha Somaliyeed oo waxtarka u leh xirfadooda iyo xuquuqda ay leeyihiin.

shirkashirka1

Haddii aad u bahan tahay sawiro kale oo shirkan ah,halkan ka daawo.

http://hiiraan.com/news/2011/july/media1/index.htm

xigasho: Hiiraan Online

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: