Calendar

Shirkii golaha guud ee xuquuqda aadanaha oo qodobo ku aadan Somaliya laga soo saaray.

Bari-Bari

Shirkaan oo ahaa kii Golaha Guud ee xuquuqda aadanaha Aduunka UN Humnan Rights Council looga doodaayay qodabo aad u fara badan oo ku saabsan xuquuda aadanaha ee dawladaha addunka.

Hadaba arrimaha somaaliya waxaa aad diiradda loo saaray Dib u eegidda Xeeraka Caalimga oo horay loogu gudbiyay Dawladda somaliya oo ka koobnaa 155 Talooyin oo la rabay inay  kasoo baarandagaan , taasoo dhamaantoodba ay dawladda somaliyeed soo oggolaadeen.
Waxaa kaloo iyadana aad looga hadlay arrimaha bini’aadminimada iyo abaaraha ka jira somaliya oo iyadana aad loo gorfeeyay la islana gartay sidii loo sii dardargelin lahaa, iyadoo golaha uu aad uga dhawaajiyay musuqmaasuqa baahay ee lagau haayo iyo siyaasadaynta gargaarka bani’aadnimo,taasoo Goluhu isla gartay in la xisaabtan iyo baaris lagu sameeyo cid kastoo boob ku samayso hantidaas umadda baahan loogu talagalay.

Waxaa iyadana laga dhawaajiyay in si aad ah loola shaqeeyo guddiga Monitoring  ah ee dhawaan Security Council ka UNka uu mandate-ka u siiyay inay baritaan iyo daba gal ku sameeyaan lunsashada deeqaha ummadda somaliyeed la siiyay oo dhan , cid kastooy ku helaan la xayiro hantidaas( Freezing of accounts) ,  lana saaro xakamayn ama laga joojiyo sfarada ( Travel Ban) .

Waxaa shirakaas Somaliaya Uga qaybgalay dhanka Dawladda Safiirka somaliya u fadhiya Geneva  HE ambassador Yusuf Bari Bari oo golaha u jeediyay warbixn dheer uu ku caddeyay in Somalia ay aqabshay UPR recommendations kii oo dhan.

xasan shireWaxaa kaloo dhanka Ururuda Bulshada oo hawshaan UPR ka u ahaa udubdhexaadka iyo  halka laga duulayay   u joogay halkaas Guddoomiyaha Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Bariga iyo geeska Afrika  Hassan Shire Shiikh oo halkaas qayb wayn ka qaatay  sheegayna inay somaliya oo dhan guul u tahay in la helo dawlad oggol qaybna ka ah Shuruucda caalamka ee lagu ilaaliyo ama lagula xisaabtamo dawladaha jira oo dhan iyadoon marna aan la dhaafayn in dib loo xisaabiyo gaboodfaladii ka dhacay somaliya.

Waxaa kaloo ka qayb qaatay Guddoomiyaha Difaacayaasha Xuquuqda aadanaha Somaliyeed  ee (SOHRIDEN )  Ahmed Mahamed Ali ” Kiimiko”  oo isna kaalin wayn ka qaatay hirgelinta UPR ( Universal Periodic Review ) warbixnadii gundhigga u ahaa ee sanadkii hore la bilaabay ilaa maanta laga ansaxiyana aad door muhim ah uga ciyaaray, Warbixn uu halkaa ka jeediyay Ahmed Kiimiko waxaa uu xusay dhibaatada haysata Difaacayaasha Xuquuqda aadanaha somaliyeed oo ay ka mid yihiin saxafiyiinta somaliyeed aydoo tacadiyada uga imaanaya markasta maamulada jira aysan jirin sharciyo lagula xisaabtamo oo caalami ah waayo marna dib loomaeegin Human Rights Instruments ka Caalamka oo dawladii Maxaed Siyaad baa ugu dambaysay .

Kiimiko11

Waxaa kaloo halkaas ka sheegay Ahmed ” Kiimiko” in la qabto guudi caalami ah oo madax banaan oo soo baaro tacaddiyadii iyo xadgudubyadii xuquuqda aadanaha ee la galay tan iyo burburkii oo dhan iyadoo cidna aan loo aaba yeelayn oo ilaa xukuumnaddii kacaanka ahayd laga soo bilaabaayo.

Waxaa rajo wanaagsan usoo baxaysaa maanta maanta ummadda somaliyeed iyo hayadha xuquuqda aadanaha oo haysta maanta waxay kula xisaabtamaan Dawladda TFGda ah .

Shirka waxaa kaloo kasoo qaybgalay Abshi Abshir – oo Somalia Family Service oo ka mid ahay dallada SOHRIDEN fadigeeduna yahay Garawe  oo doodihii jiray iyo shirarkii gaargaarka ahaa aad door fiican uga qaatay .

Waxaa kaloo isna Reporkii sanadlaha ahaa kasoo jeediyay ugu dambayntii Ergayga Gaarka ee jamciyadda qaruumaha ka dhaxayso u qaabilsan soomaliya Xuquuqda Aadanaha ( Indepent Expert for Somalia ) Shamsul Baari oo warbixn aad u dheer halkaa jeediyaya golahana ay aad uga maqsuudeen sida wacan oo uu wda shaqaynta leh uula hawlgalay Urururada xuquuqda aadanaha  iyo Dawladdaba.

Waxaa uu kusoo gabagaboobay Guul umadda somaliyeedna iftiin iyo rajo wanaagsan usoo baxaday.

NB: Hoos ka eeg warbixnada gaarka ah.

http://www.unmultimedia.org/tv/webcast/2011/09/cihrs-interactive-dialogue-on-somalia-33rd-plenary-meeting.html

http://www.defenddefenders.org/index.php/our-publications/press-releases/135-geneva-investigate-and-ensure-accountability-for-war-crimes-and-crimes-against-humanity-in-somalia-

http://www.defenddefenders.org/images/docs/SomaliaHRC29-9-11.pdf

Additional Somalia UPR Resources

Report of UPR working group on Somalia: http://www2.ohchr.org/english/bodies/hrcouncil/docs/18session/A-HRC-18-6_en.pdf
Somalia UPR webcast of Review and Adoption: http://www.ohchr.org/EN/HRBodies/UPR/Pages/SOWebArchives.aspx
Somalia UPR documentation: http://www.ohchr.org/EN/HRBodies/UPR%5CPAGES%5CSOSession11.aspx

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: