read more »">
Calendar

Somaliland: Guddi go’aamo ka soo saaray khilaafka

slnad

Magaalada Hargeysa, guddi dhex dhexaadineysay Madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridka ee ku saabsan doorashada oo xilligeedii dib uga dhacday ayaa go’aamo ay gaaray kadib markii ay dhawr kulan la yeesheen Madaxweynaha iyo Hogaamiyayasha xisbiyada mucaaridka.

Warbixinta Somaliland

Gudigaasi dhexdhexadintu waxay go’amiyeen in muddo kordhintii golaha Guurtidu siiyay Madaxweynaha iyo ku xigeenkisa ee ku eg ilaa 29ka Oktoober ay tahay mid lagu dhaqmaayo, in doorashadu haddii ay ku qabsoomi weydo 27-ka September.

In aan golaha guurtidu u kordhin karin Madaxweynaha iyo Ku xigeenkisa iyadoo arrinkaasi laga ansixinayo Golaha Sharci dejinta ee Baarlamaanka , iyo in doorashadu ku qabsoonto xilligii guddiga doorashooyinku u qabtay ee 27-ka September ololaha doorashaduna ka horreeyo bisha Ramadan.

Guddigani waxay kaloo go’aamiyeen in guddiga doorashooyinku sida ugu dhakhsaha badan u soo saaraan waqti hawleedka Doorashada, in serverku natiijada kama danbeysta ah ku soo saaro 27-ka July si waqti ku filan loogu helo hawlaha Doorashada.

In Madaxweynah, labada xisbi ee mucaridka, iyo guurtidu oo ah cidda soo wada xushay guddiga doorashooyinka ay go’aan ka gadhaan in la daayo, in la kordhiyo iyo in la beddelo guddiga doorashooyinka .

Waxa kaloo ka mid ah go’aamadan guddigan dhexdhexaddinta in saddexda xisbi si siman laga siiyo warbaahinta qaranka xilli isku mid ah, in hantida qaranka sida maaliyadda iyo gaadiidka aan xisbi gar ah loogu adeegin, in la sameeyo guddi adag oo dhex ah oo awood leh oo la socod ku sameysa qodobkan warbahinta .

Qodabada kale ee go’anka ku jira waxa ka mid ah in xisbiyada an loo diidin hawl maalmoodkooda sida dhaqadhaqaqyada, shirarka iyo bananbaxyada iyadoo Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka cidda u sharraxani ay leeyihin xasanad, karamu iyo qaddarin.

In la diyaariyo hab dhaqanka xisbiyada xilliga doorashooyinka intaan ololuhu bilaabmin, iyo ugu danbeyntii in la sii daayo dadkii loo xidhay intii xiisadda siyaasadeed aloosneyd.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged .
« »

Comment: