Calendar

Maalinta Boqolaad ee Obama iyo Aqalka Cad

obama100

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa maanta oo Arbaca ah ku xiraya maalintiisii boqolaad ee Aqalka Cad, munaasabado aad u waawayn, kuwaasoo looga golleeyahay in lagu muujiyo guulihii uu gaaray maamulkiisa.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Waraysi aan Prof Axmed Samatar kala yeelanay wax-qabadkii madaxwayne Obama boqolkii ee boqolkii maalmood ee uu xilka hayay iyo waliba arimaha looga fadhiyo.

Madaxwayne Obama waxa uu shir-xaafadeed ku qaban doonaa magaalada St. Louis, ee gobolka Missouri, halkaas oo ay sida ay u badan tahay uu sii riixi doona qorshihiisa uu wax uga qabanayo mushkiladdaha dhaqaalaha, daryeelka caafimaadka iyo qaddiyo kale.Goor dambana madaxwaynuhu waxa uu ku soo noqon doonaa Aqalka Cad, halkaas oo uu ku qaban doono shir jaraa’id oo laga daawado telefishinnada.

Madaxwayne Obama waxa uu ku dhaqaaqay mashaariic aad iyo aad u hanwayn tan iyo intii uu noqday madaxwaynihii koowaad ee ka soo jeeda Maraykanka madow ee uu dalku yeesho 20-kii bishii Janaury ee sanadkan 2009-ka.Waxa uu meel-mariyay qorshe baxnaanin dhaqaale oo ay ku kacayso 787 bilyan oo doollar, waxana uu sidoo kale soo bandhigay dhow mashruuc oo uu wax uga qabanayo bangiyada iyo warshadaha baabuurta ee la sii liicaya dhaqaale xumida.

Dhinacyada ammaanka Qaranka iyo siyaasadda arimaha dibadda, madaxwayne Obama waxa uu amrayin la xiro xabsiga lagu baaro argagixisada ee Guantanamo Bay, waxana uu badalay siyaasadihii Bush ee dagaallada Ciraaq iyo Afghanistan.Madaxwayne Obama waxa uu tallaabooyin u qaaday sidii uu wanaajin lahaa sumcadda Maraykanka ee caalamka dibadda, isaga oo u gacan haatiyay dunida Muslimka, sidoo kalena soo gudbiyay qorshayaal cusub oo uu ku wajahayo waddamada ay isku xun yihiin Maraykanka sida cuba, Iran iyo Venuzwela.

Comments

comments

Category : Featured and tagged .
« »

Comment: