Calendar

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhagaxdhigay xarunta xanaanaynta gabdhaha agoonta ciidanka Booliska

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Gen. C/xakiim Daahir Siciid (Saacid) ayaa dhagax dhigay xarunta kulleejka gabdhaha agoonta booliska Soomaaliyeed isagoo sidoo kalana kormeeray xarunta oo ay hadda ka socoto dhib u dhis balaaran.

Waxaana xaruntaas loogu talagalay in lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta Booliska Soomaaliyeed.

General Saacid ayaa sheegay inay dadaal xoogan ay u galeen sidii ay dayactir ugu samayn lahaayeen xarunta lagu xanaaneeyo gabdhaha ay dhaleen ciidamada Booliska ee u geeriyooday dalkooda,wuxuuna tilmaamay inay taasi dhiiri gelin wayn u tahay ciidamada Booliska ee la dagaamalaya kooxaha dhibaatada ka wada dalka.

Wuxuu xusay inay xarunta kulleejka gabdhaha ciidanka Booliska ay taariikh fog u leedahay ciidamada Booliska, wuxuuna tilmaamay in la dhisay sanadkii 1950kii isagoo sheegay in markii la dhisay sanadkaas lagu bilaabay 19 gabdhood oo ay dhaleen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale taliyaha ayaa kormeeray saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Booliska oo ay ka socdeen dayactir kuwaasoo ay kamid yihiin saldhigyada degmooyinka X/wayne, Waabari iyo deegmada Madiina.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: