Calendar

Jaamacad ku taal Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay jaamacad caan ah oo kamid jaamacadaha dalka Sudan

Jaamacada Daarul Xikma oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaal magaalada Muqdisho ayaa heshiis iskaashi waxbarasho la saxiixatay Jaamacada Al-Neelien ee dalka Sudan, iyadoo xaflad lagu soo bandhigayay heshiiskaas ay ka dhacday Xarunta Jaamacada Daarul Xikma.
Xaflad ayaa waxaa ka soo qeyb galay Dalladaha Waxbarasho ee dalka, Mas’uuliyiin ka kala socday Jaamacadaha Dalka, Shirkadaha Isgaarsiinta, Wasaarada Hormarinta iyo Adeega Bulshada, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bushada ayaa soo dhoweeyay heshiiskan wax ku oolka ah.
Jaamacada Al-neelein ayaa Jaamacada Daarul Xikma waxay kula heshiisay in ay Muqdisho ka fuliso Darajjooyinka kala ah, Darajada Undergraduate-ka, Diploma Sare, Master, PHD, iyo waliba takhasusyo kala duwan

Sidoo kale waxaa la diyaariyay Barnaamijka Hormarinta Bulshada kaasoo leh koorsooyin Gaagaaban oo loogu tala galay u Abuuridda Qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Haweenka, Dhalinyarada.

Mas’uuliyiintii meesha ka hadashay Waxaa ka mid ahaa Proff: Tooxoow oo ka mid ah Aqoonyahanada ugu caansan dalka, waxne ku soo bartay dalka Dibadiisa Isagoona ka sheekeeyay dhibaatada ay Ardayda Soomaaliyeed u leedahay Waxbarashada dalka dibadiisa isagoona ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadaan ay ukeentay jaamacada Daarul-Xikma

Bashiir Maxamed Jimcaale oo ka socday Wasaarada Hormarinta iyo Adeega Bulshada qeybna ka ahaa Martida ka soo qeyb gashay Xaflada ayaa wuxuu ugu hambalyeeyay Maamulka Sare ee Jaamacada Daarul-Xikma heshiiska ay la galeen Jaamacada Al-neelein taasoo fadhigeedu yahay dalka suudaan sidoo kale waxa uu sheegay in Jaamacada Daarul-xikma ay ka mid tahay Jaamacadaha ugu horeeyo ee laga aqoonsan yahay Wasaarada Waxabarashada sida uu sheegay

Ugu dambeyn waxa xaflada ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacad Daarul-Xikma yuusuf Axmed Hiraabe waxaana uu sheegay in Hormarka dalka uu dib u soo laabanayo taaso ay amaanteedu leeyihin dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira oo mar kasta u taagan Hormarka dalka iyo Waxbaridda jiilka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Gudoomiyaha waxa uu ugu baaqay Dhamaan Ardayda Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursadaan qaaliga ah oo ugu timid sida uu sheegay gurigooda .
Takhasus walbo oo ay ardayda soomaaliyeed dibada u aadi jireen ayuu shaaciyay in iminka ay ka heli karaa jaamacada daarul-xikma.

Heshiiska labada Jaamacadooda ayaa waxa uu dhacay 27-09-2013 Waxaana Jaamacada Daarul-xikma u saxiixay heshiiska Gudoomiyaha Jaamacada Yuusuf Axmed Hiraabe Halka dhanka Jaamacada Al-neelein saxiixay Moxamed saacid Daahir

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: