Calendar

UN-ka iyo bulshada caalamku dantee wadaan, mida somalida dhibban mise mida qawlaysatada?

unCilmi ahaan waxaa la yiraahdaa wixii shaqeeya ya quman in la hirgaliyana mudan.Marka la eego arrimaha somaliya waxaad moodaa aragti foorarta oo taa ka duwan in lagu shaqaynayo ayado taas ay horseedayso cidii (unpos) marka laga reebo somalida  ugu horrayn ka hortagi lahayd lugooyada fakar ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Waxaa (sida somaliyi wada qirayso) shaqeesay 20 sano ka kadib oo tubta quman cagta saar xukuumada markan ka jirta somaliya ee Formaajo.

waxaa bulshada caalamka oo UNPOS marin habaabisay ay si cad uga shaqaynasaa in meesha laga saaro xukuumadaa ayadoo ku dhagan samayn doorasho agosto  ka hor taasoo dadka somaliyeed u arko barakolaawe iyo marmarsiiyo kali ah.

Doorashadu sideedaba waxay oofin u tahay xeer dad danihiisa u samaystay una beddeli karo markuu u baahdo ama dan moodo lakiin. Dadka somaliyeed maanta walwalkiisu ma aha doorasho dhacda ama dib loo dhigo. Walwalkiisu waa ka dulqaadka dilaayaalka Al-shabaab iyo soo celin dowlonimo. Lama aha dadka somaliyeed in doorasho madaxweyne ama guddomiye barlamaan ay istaahisho in  heer quraan loo sare qaado oo laga dhigo wax ay tahay mustaxiil in dib loo dhigaa.

Waxuu qabaa dadka somaliyeed in doorasho madaxeedka lala horboodayaa wax  naaqusin ma ahee usan waxba ku soo kordinayn nabada iyo dowlonimo ku  soo celinta Somalia.wuxuu cod dheer ku leeyahay oohintu orgiga ka weyn oo macnaheedu yahay doorasho u cararka danta laga leeyahay ka duruksan hamuun sharci dhawritaan iyo ballamo hore labadaba.

Waxaa meelaha la wareejinayaa oo qandaarasyo UN- ku bixiyey wax lagu sheegayo dastuur qabyo ah (oo inta laga weeciyey in lagu ifiyo dhibaatooyinka somaliya u baahnayd haysta jawaabna laga bixiyo dhibaatooyinka ay soo martay, kuwa hada jira iyo kuwa u baahan in laga sii gashaanto)  lagu abuuray oo lagu buunbuuninayo kuwo cusub oo looga gol leeyahay in somaliya kala tagto:dowlo goboleedyo maalinba mid cusubi dhalanayso, qowmiyado jinni oo la abuurayo, luuqado iyo diimo lagu kala duwan yahay: qofka qaranimada doonaya waxaa la gudboon in u arko oo ku fakaro meesha ay nageynayaan dowlad goboleedyada(dowlad qabaa’ilka  ) la horseeday ee an qarkood hoos ku xusi doono inta an ka xasuusan karo:(1)Somaliland, (2)puntland, (3)dooxada shabelle, (4)galmudug,(5) Azania, (6)Somali central state, (7)xeeb iyo ximan   (8)maakhir (9) ras-caseyr iyo hubaal kuwo kale oo wali la foolanayo.

Doorashada lagu macangagayo iyo dastuurrada lala wareegayo ee an dadka laga talagalinayn intuba waa maaweelo iyo lugooyo lagu talo galay.

6. Waxaa jiha- wareeriyeyaalka shacbiga somaliyeed laftogoodii wareer galiyey oo ay xal u heli la’yihiin waqtigan say xataa caamada somaliyeed uga dhaadhicin lahaayeen nuxurka ay la imaanayso doorashada sharrif-yaha ? waxa isku- jeel (xulufo)  ka dhigay wakiilka UN-ka, warlordyada soo labo kacleeyey(arag maxamed dheere, cabdi qaybdiid , muse suudi, qanyare iwm) iyo aqoonyahan –ku-sheegyo macrifadoodu ka naxdo markay wadada kaga horyimaadaan xumaato iyo xaraan quudasho ay ku  sifoobeen dartood. Waxaa qolooyinkan an kor ku sheegay mataaneeyey khiyaamada ummdda somaliyeed iyo fal-dambiyeed lagu wada gudo jiro ama jeel loo qabo.

Waxaa isweydiin leh wakiilka UN-ka xilkiisu ma kala furfurka somalida midnima doonka ahaa mise waa isu- soo jiidka kuwa is-khilaafsan?  Ma hayaa hawl isu soo jiid mise hawshiisu waa kala jiid iyo qaybin? Shacbiga Somali ma dhagaystaa mise asagaa wax u garta oo macne ma leh waxa ay sheegayaan? Warlords iyo tuugada aqoonyahanka sheegata ee ay isku mowqifka noqdeen unpos  ma lagu yaqaan ilaalinta danaha somaliyeed ?

Mahiga ma garan la’yahay intaas?  Jawaabtu waa maye ee dano kale yuu wadaa oo u dirirayaa.

Waxaa isweydiin leh ma waxaa saxsan ah oo in lala shaqeeyo mudan  sharrif xasan  oo intii saxaada siyaasada u ka soo muuqday an soo kordhin wax an khilaaf iyo dhib ahayn iyo warlordyada mise xukuumada Farmaajo oo dhowr bilood gudahood guulo dal iyo dibadba loo aayo soo hoyisey, baryeysana hal sano oo ay ku dhammaystirto shaqada guulaysanaysa ee ay wado?

Maxaa dhicis looga dhigayaa tijaabada guulaysanaysa ? miyuusan dagaalka  guulaysanaya midka saxa ahayn mise guulaha yaa kala duwan oo Unpos-ku waqtigan  guul wuxuu arkaa samatabixinta Al-shabaab iyo nolol ku soo afuufida warlord-yaalka iyo si- xun- u noosha si mashaariic daahsoonu u sii socoto?  Arrimuhu say u socdaan Somali badankeed waxay si cad ugu qanciyeen in an unpos Somali xal u doonayn ee noqotay bohol masas waabaayo badan hoy u ah ,  xiriirisa abaabushana shirqoollada ku wajahan ka hortagga dib u soo-celinta qaranka somaliyedd.

yaa mudan in qaab la fuliyo (formality:doorasho madaxweyne iyo guddomiye barlamaan oo dhacda agosto ) iyo  in wax nuxur leh oo meel mar ah la qabto (ka takhallus Al-shabaab) oo dalka laga saaro al shabaab ? Doorasho waxaa gala oo dastuur ka dooda dad nabadaysan oo istikhyaar leh.

kala dirka dowladani wuxuu keeneeya oo hubal ah in al shabaab melihi laga xoreeyey ay si dhib yar ugu soo noqoto.yaa ka horistaagaya? Waa cidna. Unpos(mr Mahiga ) ha u shegto somalida sida ay uga hortagayso iyo tabaabusha ay ugu talo gashay in an Al-shabaab  dib u qabsan dhulalka waaweyn ee laga xoreeyey,ayado waliba ku sii fidi doonta kuwo an manta caga xoog leg ku taagnayn(Puntland) lakiin, si an fiiro dheer lahayn, uga qayb qaadanaya ka takhalluska xukuumadan, iyo kuwo Hargeysa dadka ku maaweeliya in maalintii dhibaato ku soo korortaba kofur  Somalia aqoonsi Somaliland soo dhawaanayo.

dadka somaliyeed wuxuu qabaa in Unpos ka baxsan tahay in doorashada madaxdu tahay wax sugi kara oo dib loo dhigi karo ayadoo an waxba hallaabeen,qabashadeedana quraan wax la mid ah looga dhigayo si loo carqaladeeyo hawsha socota ayado laga cabsaday khatar an horay loogu talo galin oo ah in xukuumadani ,sida ay ku socoto,  ay soo afjarayso dhibaatadii somaliya oo si-xun –nool badan iyo cadaw somaliyeedba ay ka faa’ iideysanayeen.

waxaa dadka somaliyeed meel u joogaba u cadatey in Unpos ka dhan tahay dantiisa waxuuna is–weydiinayaa haddii ka dhan ahaanshahani ku kooban yahay wakiilka  xoghayaha iyo haddii cid kale ku weheliso.

Cabas  Cabdi  cabdullahi

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: