Calendar

Ururka Xizbul Islaam oo cambaareeyay Ciidamo la dul dajiyay Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

xizbul IslaamBartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Ciidamo dhawaan la dul dajiyay Naafada Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo dhibaato xagga ammaanka ku haya.

Afhayeenka dhanka Howl-galada Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Cabdi Aroos ayaa shaaca ka qaaday in ay tahay wax laga xumaado Ciidamada la dul dajiyay Naafada Xooga Dalka Soomaaliuyeed dhismaha ay daganaayeen Ee Isbitaalka Martiini Muqdisho.

Sheekh Maxamed Aroos ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowlada meelaha ay dagaan cabasho laga muujiyo maadaama ay ammaan daro wataan taasi oo dhibaato xoogan ku ah.

Xizbul Islaam ayaa ku tilmaamtay Ciidamada Dowlada kuwa ammaanka qalqal galiya islamarkaana ay dhibaato ku hayaan Naafada Ciidamada Xooga oo ay doonayaan in ay barakiciyaan si Xero Ciidan looga dhigo Isbitaalka Martiini.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: