Calendar

War Deg-Deg ah:-Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo Dowlada ka wada tirsan oo xiligan ka socanaya Degmada Wadajir Muqdisho.

breaking-news bartamaha1Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo Dowlada KMG ah ayaa waxa uu ka socanayaa Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoogan uu ka socanayo xaafado badan oo ka mida Degmadaasi ka dib khilaaf ka dhex dilaacay Ciidamo Dowlada ka wada tirsan.

Dagaalka ayaa waxa uu yahay mid xoogan kaasi oo ka socanaya Degmadaasi Wadajir iyadoo rasaasta ay ka dhacayso Xaafada Nasteexo iyo Hormuud Ee Degmadaasi.

Guud ahaan waxaa xermay suuqa Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho kaasi oo ay saamayn ku yeelatay rasaasta u dhexeysa Ciidamada Dowlada dhexdooda.

Wixii war ah ee dagaalka ku soo kordha iyo qasaaraha ka dhasha kala soco www.Bartamaha.Com. 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: