read more »">
Calendar

Waa kuma Madaxwayne Xusni Mubaarak, Maxaase ka garaneyesaa Taarikhiisa?

Xusni Mubaarak oo Murugo ay ka muuqato..

Xusni Mubaarak oo Murugo ay ka muuqato..

Madaxwaynihii dalka Masar xukumayay 30-kii sano ee ugu danbeeyay ee Jimco February 11, 2011 isaga tagay Xilka Madaxtinimo ayaan jecleestay in aan aqristayaasha la wadaago nolashisa oo kooban inkastoo qoraal iyo wax la mid ah aan lagu soo koobi Karin taariikhda Xusni Mubaarak.

Magaciisa oo dhameestiran waa Maxamed Xusni Mubaarak wuxuu ku dhashay deegaanka Kafr-El Meselha ee ku yaala Waqooyi dalka Masar sanadkii 1928 waana 82 sano jir.
Waxbarashadiisa.
Kadib markii uu dhameeyay Dusigisa sare wuxuu ku biiray Egyptian Military Academy oo uu shahaaqada Bachelor’s degree ka qaatay isagoo bartay Military Sciences sanadkii 1949, Xusni Mubarak kadib wuxuu ku biiray Air Force Academy isagoo sanadki 1950-kii noqday Duuliye, sidoo kalle Xusni Mubaarak wuxuu wax barasho dheerad ah oo dhanka Ciidanka ku soo qaatay Midowgii soviet (Dalka Ruusha).

Shaqooyinka uu soo qabtay kahor inta uusan Madaxwayne noqon.?

Shaqooyinka uu Xusni Mubaarak soo qabtay waxaa ka mid ah.
1-1950 Waxaa loo doortay in uu noqdo Taliyada Ciidamada Cirka ee Magaaladda Cariisha ee ah caasimada Gobalka Siinaa,
2-Dagaalkii la magac baxay Dagaalkii October ee Masar iyo Suuriye oo isku dhinac ah iyo Yuhuuda ee sanadkii 1973 wuxuu ahaa Taliyaha Ciimadda Cirka ee dagaalkaas qeyb weyn ka qaatay.
3-Madaxwayne Anwar Saadaat ayaa sanadkii 1975 u doortay in uu noqdo Madaxwayne ku xigeenkiisa iyadoo intii u dhaxesay Sanadihii 1975-1981 uu ahaa Madaxwayne ku xigeenka dalka Masar.
4-Markii uu Ansaw Saadaat Madaxwaynihi hore ee Masar uu sanadkii 1978 aas aasay Xisbiga Wadaniga Dimoqraadiga ee dalka Masar wuxu Gudoomiye ku xigeen u doortay Xusni Mubaarak, iyadoo Xisbigan oo dalka wax badan xukumayay!
Xusni Mubaarak iyo Madaxtinimada dalka Masar!

Sanadkii 1981 markii toogasho lagu dilay Madaxwane Anwar Saadaat waxaa xilka Madaxtinimo ee dalka Masar la wareegay Madaxwayne Xusni Mubaarak oo ahaa Madaxwayne ku xigeenka dalka.
Xusni mubaarak wuxuu dalka Masar Xukumayay 30 sano iyadoo xilkiisa uu ugu ekaa bisha September,2011 dad badana ay aaminsanaayeen in uu xilka wiilkiisa ku wareejin doono.
Dowladda Masar oo mudo badan sharciga Xaaladda dag-daga ah ku jirtay “Emergency law” ayaa intii uu Xusni Mubaarak ahaa Madaxwaynaha waxaa dhibaato loogu geestay Shacabka dalka Masar oo ugu danbeyntii Banaanbaxdo socday 18 Maalin sababtay in uu Madaxwayne Xusni Mubaarak isaga tago xilka Madaxwaynaha.
Xusni Mubaarak intuu ii ahaa Madaxwaynaha dalka Masar wuxuu reer galbeedka ka caawiyay Duulaankii Dalka Iraq ee sanadkiii 1991 iyo Dulaankii labaad ee sanadkii 2003 sababay in Dowladda Mareekanka iyo Xulafo ay Hogaamiso ay qabsadaan dalka Iraq halkaasna uu Xukunkii Madaxwayne Sadam ku dhamaaday.
Yuhuuda hadii aysan taageero ka heeysan Xukuumadii Xusni Mubaarak dhibaato ma aysan u geesan laheyn Haweyn-ka, caruurta iyo guud ahaan Shacabka dhibaateeysan ee Falastiin.
Waxa loogu yeero Dib u heshiisiinta Carab iyo Yuhuuda ayuu kaalin Muhiiim ah ka ciyaaray oo wuxuu dhameestiray Heshiiski qabyadda ahaa ee Madaxwayne Anwar uu bilaabay.
Shacabka Masar iyo Xusni Mubaarak.
Shacabka Masar woo tiro ahaan gaaraya 80 Milyan ayaa dhibaato ku qabay horumar la’aanta Xukuumadii Madaxwayne Xusni Mubaarak, shacabka Masar oo u badan Dhalinyaro ayaa shaqo la’aan, Caafimaad la’aan iyo dhibaatooyin kalle ay soo wajaheen.

Dhalinyaro ku mudaharaadsan Madaxtinimada Xusni Mubaarak

Dhalinyaro ku mudaharaadsan Madaxtinimada Xusni Mubaarak

Dhalinyaradda iyo guud ahan Shacbka Masar ayaa muujiyay karti iyo dulqaad kadib markii ay mudo 18 Maalin ay banaanbaxyo aan kala go’in ay ka dhigeen guud ahaan dalka Masar gaar ahaan Magaalooyinka Qaahiro iyo Alexandria.
Xusni Mubaarak oo 82 jir ah ayaa hantida uu heesto lagu qiyaasay in ay gaareeyso $70 Billion iyadoo dalal badan oo reer Galbeed ah ay u taalo hanta fara badan.
Xusni Mubaarak marka uu xilka ku wareejiyay Ciidanka qalabka ayuu u duulay Guri weyn uu ku leeyahay Magaaladda Siinaa ee dalxiiska loo tago.!
Xusni Mubaarak ayaa raacay Wadaadii uu maray Madaxwaynihi hore ee Dalka Tunisia, dalalka xigana waa la arki doonaa iyadoo Beriga dhexe maalmahan siyaasadiisa ay kacsantahay.!
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
[email protected]
Kedah, Malaysia.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles, The Story, Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: