Calendar

Wafdi Wasiiro ah oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo_ Dowlada Soomaliya ayaa wafdi wasiiro ah udirtay magaalada Baydhabo oo muddoyinkii dame uu ka socday shirar lagu kala qaybsan yahay oo maamul gobaleed lagu dhisayo.

Wasiirada maanta tegay Baydhabo ayaa ka kooban 10- wasiir oo isugu jira wasiiro iyo wasiir kuxigeeno  kasoo jeeda deeganada ladamacsan yahay in laga hirgeliyo maamulka.

Wafdiga ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan Ergoyinka ka qaybgelaysa shirarka iskasoo horjeeda ee kasocda Baydhabo.

Wararka laga helaayo Baydhabo ayaa sheegaya in socdaalka wafdigani uu salka ku hayo sidii loo midayn lahaa shirarka iskasoo horjeeda ee kasocda magaalada, waxaana qorshuhu yahay in labada dhinac lagu qanciyo inay dhistaan maamul saddex gobal ah oo ay udhanyihiin dadka deegaanku.

Wasiirada gaaray maagalada Baydhabo ayaa maanta kullan layeeshay Ergooyinka kaqayb gelaysa shirka lagu doonayo in lagu sameeyo maamul kakooban lix gobal, waxaana laga dhaadhicinaya inay aqbalaan dhisida maamul kakooban saddex gobal.

Magaalada Baydhabo ayaa muddoyinkii dame waxaa ksocday shirar iskasoo horjeeda oo ladoonayo in maamul gobaleed lagu dhiso, waxaana ay magaaladu laciir ciiraysa ergooyinka kaqaybgelaya shirarka.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: