Calendar

WAR DEG-DEG: Axmed Madoobe oo loo doortey madaxweynaha Jubbaland

Axmed Madoobe oo loo doortey madaxweynaha Jubbaland

Hogaamiyaha kooxda Raaskambooni Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegayaa in loo doortey inuu noqdo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland oo dhismihiisa uu socday mudadii ugu danbeysay.

Wararka hore ee aan helayno waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu helay cod aad u badan.

Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu hada ahaa gudoomiyaha KMG ee magalada Kismaayo, tan iyo markii ay qabsadeen magalada huwan ka koobnaa ciidamada dowlada Soomaaliya, Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa Kenyan-ka ee ka tirsan howl-galka AMISOM.

Warar kale oo dheeraad ah ayaa idin soo gudbin doona, dhawaan inshalah

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: