Calendar

Warsaxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada.

  Muqdisho, Khamiis, September 08, 2011– Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin go’aamadii kasoo baxay shirka Wadatashiga, ansixinta habraaca sanadka 2011/2012, arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo.

Golaha Wasiirada waxay maanta warbixin guud ka dhageysteen Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga taasoo ku saabsanayd habraacii marxaladda kala guurka ee sanadka 2011 / 2012 iyo habsami u socodkii shirkii oo ay kasoo qeybgaleen wufuud caalami ah iyo madaxda maamulada gobolada.

Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golaha uga warbixiyay inuu shirka guul ku dhamaaday, dawladdana ay ka shaqeysay sida ugu wanaagsan inuu ku qabsoomo, waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaystay guddi hoosaadyadii shirka wadatashiga oo looga kala hadlayay arrimaha amniga, dastuurka iyo hagaajinta barlamaanka, dawlad wanaagga iyo dibuheshiisiinta.

Golaha ayaa si gooni ah u falanqeeyay qodobka dawlad wanaaga oo gabi ahaantiisba dawladda masuuliyadeedu leedahay, waxayna ka doodeen arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ahmiyadda ay leedahay in la sameeyo guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid ah hawlaha ku xusan habraaca soo afjarida marxaladda kala guurka ah, waxayna ballan qaadeen in guddigaas loo soo magacaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Golaha Wasiirada ayaa waxey si buuxda uwada ansixiyeen go’aankii kasoo baxay shirka wadatashiga, sidoo kalena ballan qaadeen inay sanadkaan kusoo afjarayaan marxaladda ku meel gaarka ah ee uu dalka ku jiray muddo dheer

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa sido kale warbixinno ka kala dhageystay guddi hoosaadyada Golaha oo ku kula saabsan arrimaha amniga iyo gargaarka xaaladda bani aadannimo ee dalka ka jirta, wuxuuna go’aan ku gaaray in dhammaan ajaanibta dalka joogta iyo shaqaalaha ka shaqeeya gargaarka ay iska diiwaan geliyaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

-DHAMAAD -

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: