Calendar

Shir looga hadlaayo arimaha abaaraha ka jira geeska afrika oo ka furmay dalka kenya.

Shir ayaa loga hadlaayo arimaha abaaraha ka jira dalka soomaaliya  ayaa ka furmay magaalada nairobi ee caasimada dalka kenya kaasi ay ka qeyb galayaan wadamada geeska afrika

Shirkaan ay soo qaban qaabisay dowlada kenya islamarkaana ka furmay magaalada nairobi ayaa waxaa dowladda kenya ay ku casuuntay kullankaasi wakiilada beesha caalamka iyo madax ka kala socoto wadamada geeska afrika.

Ujeeda shirkaan ayaa ah sidii xal loogu helilahaa abaaraha ka jira geeska afrika gar ahaan soomaaliya islamarkaana loo dhameystiri lahaa gar gaarka la garsiinaayo dadka barakacayaasha ah ee gaajada iyo haraadka la il daran.

Goobta uu shirka ka socday ayaa waxaa hadal qiirad badan ka jeediyay oo loo wada riyaaqay  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali gaas oo ka warbixiyay gar-gaarka bini’aadanimo iyo arimaha dib u heshiisiinta iyo horumarka dhinaca amniga laga gaaray.

Waxaa sidaasi saxaafada u xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda In C/raxmaan Cumar Yariisoow oo ka mid ahaa wafuuda uu hogaaminaayay r wasaaraha.

Shirka oo wajagiisa koowaad shalay dhacay ayaa maanta loo gudbayaa wijigiisa labaad waxaana lugu wadaa sidii  ay isugu raaci lahaayeen dhamaan Madaxda qaar ka mid ah wadamada geeska Afrikanka , Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha Caalamka sidii logu abuuri lahaa Mashruucyo dadka loogu raadinayo shaqooyin iyo in dib loogu soo celiyo guryahooda,

Kala soco www.bartamaha.com wixii ku soo kordha shirkaasi.

xafiiska wararka bartamaha. muqdisho

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: