Calendar

Wasiiradda arrihamaha dibada ee Kenya oo shaacisay inay ciidanka AMISOM ay bixi doonaan 2016-ka

AMINA.MWaraysi dheer oo ay siisay wakaalada wararka shiinaha ayay Aamina Maxamed Jibriil ku sheegtay in dawlada Soomaaliya ay raadsato kalsoonida shacabeeda, si ciidamada AMISOM ay ugu suuragasho in sannadka 2016-ka ay ka soo baxaan Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale difaacday siyaasada Kenya ee ku wajahan Soomaaliya, iyadoo sheegtay in eedaymaha ay dawlada Soomaaliya u soo jeedisay dalkeeda aysan wax taraynin qorshaha la doonayo in Soomaaliya lagu xasiliyo.

“Ma jiraan wax cabasho ah oo si toos ah naloogu soo gudbiyay annaga, waxaase jira dhibaatooyin ay tahay inaan dhammaanteen ka wada shaqayno sidii xal loogu heli lahaa” ayay tiri Aamino.

“Hadii aan dhammaanteen gacmaha isqabsano waxaynu gaaraynaa halka aynu doonayno oo ah ballanqaadkeenii ahaa inaan Soomaaliya kasoo baxno 2016-ka” ayay sii raacisay.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: