Calendar

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya: Hub lalama gali karo ayraboorka

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo shalay ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aan wax hub ah lala geli karin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka garoonka oo lagu wareejiyay Shirkada Favori ay si casri ah oo la mid ah garoomada caalamiga ah u dhisi doonto, isagoo cadeeyay in aanu jirin doonin in garoonka wax hub ah lala galo.

“Garoonka wax hub ah lalama geli karo sida qoriga BKM iyo Ak47, madaxda marka ay dhoofayaan ama ay soo degeyaan ayaa ilaalada wadan karaan Bastoolad”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta iyo Gaadiidka oo xusay in aanay macquul aheyn in qori lala galo garoonka.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirkada Favori ay muddo sideed bilood ku dhisi doonto garoonka, isagoo soo bandhigay naqshada uu yeelanayo garoonka oo ah mid casri ah, waxaana wasiirka intaa ku daray in ilaa 18-milyan oo doolar ay ku bixi doonto dhismaha garoonka.

Madaxda dowladda ayaa xilliyada ay ka dhoofaan garoonka ama ay ka soo degaan lagu arkaa gudaha garoonka gaadiidka dagaalka iyo qoryaha noocooda kala duwan.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ilaaliya Ciidamada AMISOM, iyagoo xarun weyn ku leh Dugsigii Tababarka ee Xalena oo saaran garoonka,

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: