read more »">
Calendar

Qarax ka dhacay Addisababa oo dad ku geeriyoodeen

Qarax bambaano ayaa shalay oo Axad aheyd ka dhacay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, kaasoo ay ku dhinteen labo ruux, sida uu xaqiijiyay Telefishinka Qaranka Itoobiya.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa, laakiin Ciidamada Sirdoonka ayaa wada baaritaan ku aadan weerarka.

Bamka ayaa ka dhacay guri ku yaala xaafada Bole, waxaana ku dhintay labo ruux oo aan wali la garan.

Telefishinka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in guri ay dad ijaarteen uu ka dhacay qaraxa, kaasoo la tuhunsan yahay in lagu sameynayay waxyaabaha qarxa.

Hey’adaha ammaanka iyo sirdoonka Itoobiya ayaa wada baaritaan la xiriira qaraxa guriga ka dhacay, iyadoo shacabka ugu baaqay in aanay ka kireyn guryaha dad aysan garaneyn.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel 5-KM u jirta Garoonka ciyaaraha oo ay kumanaan taageerayaal ah ka daawanayeen ciyaartii is reeb reebka Koobka Aduunka ee dhex martay Xulalka Itoobiya iyo Nigeria.

Axsaabta mucaaradka Itoobiya ayaa horay uga digay weeraro Al-Shabaab ka geystaan magaalada Addis Ababa, inkastoo dowladda Itoobiya ay ku gacan seyrtay hadalkaas.

Kumanaan askari Itoobiyaan ah ayaa ku sugan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira Xoogaga Al-Shabaab.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: