Calendar

“Waxa Saado loo diley”

Bismillah: Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun!

Dhammaan waa salaamayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto. Bisha barakaysan ee Ramadaan ee gebegebageedii lagu jiro waan ugu bishaaraynayaa. Waxan aad uga murugaysanahay dilka bahalnimada ah ee loo geystey AHN Xildhibaan, fannaanad qaran Saado Cali Warsame oo gacan ka xaqdari Muqdisho ku dishey maalin ay soomman tahay. Saado waxay ahayd sumad qaran oo aan shaki ku jirin; waxay ahayd halyay qaran oo ku can baxday insaannimo, Soomaalinnimo iyo geesinnimo ay ku mutaysatay ficilkeedii caddaa ee ay ku muujin jirtay dhibaatooyinka shacabka soo gaadha meel kasta ha joogeene.

Saado Cali Warsame (AHN) waxan ahayn walaalo, asxaab. Waxan u lahaa aqoon dheer, markii iigu dambeeyey ee aan wada hadalno waxay ii sheegtay, “Muqdisho ayaan ku laabanayaa, waxanse u baahanahay inaan helo cid sugta nabadgelyadayda. Waxa jira dad aan dhul isku haysanno. Mar aan gurigaygii oo dad kale deggan yihiin tegey hadda ka hor, waxaan weydiiyey dadkii guriga degganaa, inay I garanayaan iyo inkale, waxayna iigu jawaabeen haa waa ku naqaan oo waxaa tahay Saado Cali. Meesha weji xun ayaa nala tusay, waana iskaga tegey. Bal maxkamadda ayaan rabaa inaa kala quusto si ay dadkaa iiga saaraan hantidayda,” Saado Cali AHN ayaa saas ii sheegtay.

Maansadan Waxa Saado loo diley waxay daarran tahay waxyaabaha cad ee keenay in Saado la dilo ha noqoto hantida laga haystay, heesaha waddaniga ah ee ay sida isdaba joogga ah u qaadaysay sannadihii u dambeeyey nolosheeda. Waxa kale oo taa dhinac yaal siday uga go’nayd soo noqoshada dawlad Soomaaliyeed oo midnimo.

Akhris wanaagsan Maansaduna waa dareenka aan ka qabo cidda ka dambaysa dilka Saado Cali Warsame (Xiddigtii Qaran ee Soomaaliya, Hooyo Qaran Soomaaliyeed), ilaahay jannadii fardowsa ha ka waraabiyo. Akhris wanaagsan.

Waxa Saado loo diley
Soomaalinnimadiyo
Sumaddaada baabi’i
Calankaa sifada wacan
Suuraddiisa xidhan tahay
Sumcaddiisa liidoo
Kaan sidanno sara yeel

Waxa Saado loo diley
Sawd xaqa u baaqiyo
Suugaanta heesaha
Runta siisan maynee
Su’aalaadka naga daa
Soomaali dhimataye
Rajadeed ha soo celin

Waxa Saado loo diley
Islaam saxa ayaan ahay
Sinjigay Wahaabiya
Seed igama soo galo
Sahal laysu gawraco
Soomaaliyeed daa

Waxa Saado loo diley
Soo noqdaye dadweynoow
Saldhiggaygu waa Xamar
Hoygaygii saakaba
Iiga saara Mooryaan

Waxa Saado loo diley
Soomaali waa qaran
Dhulka yaan la soo gelin
Badda yaan la siin cadow
Cirka yaan sedkeennii
Simbiilaadka lagu guran

Waxa Saado loo diley
Dadka Sool Sanaag dega
Silic iyo dhib yay mudan
Gardarradu xaqsoor maleh
Soomaaliya nin diidoow
Soone kale u diga rogo

Waxa Saado loo diley
Soomaaliya midnimadeed
Sadho yaanay noqonoo
Sirta cadowgu meel marin
Soomaaliya nin diidoow
Soone kale u diga rogo

WT: Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: