Calendar

VIDEO: Aaska Marxuumad Saado Cali

aaska saada caliMuqdisho (BARTAMAHA) Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuumad Saado Cali Warsame oo kooxo dhagar-qabayaal ah ay shalay ku dileen magaalada Muqdisho, waxaana salaada Janaasada kula tukaday Madaxtooyada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, qaar kamid ah xubnaha labada gole ee dowladda, Maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan oo kamid ahaayeen Fannaaniinta Qaranka.

AASKA SAADO 6

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo Saxaafadda la hadlay aaska kaddib ayaa sheegay dilka kooxaha Nabad-diidku u geysteen marxuumad Saado iyo kuwii ka horeeyay inuusan hakin doonin howlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanka, waxana ugu baaqay laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaan Saado Cali Warsame cadaaladana la horkeenno.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa dhankiisa tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii ay ka baxday marxuumad Saado iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muhim ah.

AASKA SAADO 1AASKA SAADO 2AASKA SAADO 3AASKA SAADO 4AASKA SAADO 5

“Xildhibaanad Saado Cali Warsame waxay ahayd qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, waxay dhimatay iyadoo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqaynaysa, Saado waxay la mid tahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doonto, ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in marxuumad Saado fikirkeedii uun nool yahay, laguna xasuusan doono ololaheeda ahaa in Soomaaliyo cagaheeda isku taagto, waana in looga daydaa sidii ay ugu dhiirnayd in shacabka Soomaaliyeed ay ka guuleystaan cadowgooda” ayuu yiri R.W Cabdiweli. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheekaan kooxaha dhibaatada ku haya hoggaamiyaasha qaran iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed.

www.BARTAMAHA.COM

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: