Calendar

Xaaska Sargaal Xizbul Islaam ahaa oo lagu Kufsaday Ceel Buur.

somalia-Al-ShababBartamaha (Muqdisho):- Kufsi la yaab leh ayaa  shalay galab gabal dhicii ka dhacay gudaha Degmada Ceel Buur Ee Gobolkaasi Galgaduud ka gadaal markii la kufsaday Xaaska sargaal hogaan ka ahaa Xizbul Islaam Ceel Buur.

7-Ka mida Maleeshiyada Shabaab ayaa shalay galab xoog u gashay guri uu daganaa Sargaal sare oo xilli ahaa Xizbul Islaam kaasi oo ka maqnaa waqtigaasi guriga wallow ay awood ku kufsadeen Xaaskiisa markii ay baaritaan marsiiyeen dhammaan dhismaha ay daganayd haweenaydaasi.

Maleeshiyadan ayaa waxa ay Kufsi kula dhaqaaqeen Haweenaydas u dhaxday sargaalka Xizbul Islaamka wakiilka uga ahaa Degmadaasi Ceel buur ka hor inta aanay shabaab la wareegin waxaana taasi ay noqotay mid mucjiso ku noqotay dad badan.

Ciidan xoog badan oo mar qura magaalada lagu soo daadiyay ayaa waxa ay wadaan baaritaan ku aadan ragga Kufsiga gaystay oo Laba ka mida ay hada qabteen Ciidanka Ammaanka Alshabaab Degmada Ceel Buur kuwaasi oo weli ku sii raad jooga . raggii kale.

Kufsiga ayaa sababay in xiisad ay dhalato waxaana Magalaada soo garay Sheekh Kaba ku dukade oo wata gawaari dagaal islamarkaagna ka caraysan  Kufsiga dhacay ayaa waxa uu xerxeray dhammaan saraakiishii shabaab ee joogtay Degmadaasi.

Waxaa socanaya baaritaan waxaana jira Xiisad taagan iyadoo arinkan ay noqotay mid mucjiso ku noqotay dadka deegaanka ka gadaal markii Kufsiga loo gaystay Xaaska ninka sargaalka ahaa ay dhalisay qeyla dhaan.

Wixii xog arinkaasi ku aadan kala soco www.Bartamaha.Com.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: