Calendar

Xalada Magalada Garisa oo dagan

Xaalada magalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa xasilon maanta, wallow ay jiren dhibaatooyin yaryar oo dhacayay.

Saakay ayaa waxa la sheegay iney ciidamada ay dhaawaceen arday dhiganaysay iskool ku yaalo magalada oo lagu magacaabo Count High iyadoona ay dhaawacmeen 3-arday ah.

Saraakisha maamusha isbitaalka way nee Gaarisa ayaa sheegtey in ilaa saakay la soo gaarsiiye 15-ruux oo dhaawacyo qaba kuwaas oo 6-kamid ah ay ku taalay rasaas kuwas oo ka yimaaday dhinaca ciidamada.

Guud ahaan magalada ayaa xiran oo dhaqdhaqaaq iyo isku socodka ma jiraan, iyadoona ganacsiga, iskoolada xiran yihiin, waxana jiro dad guryaha joogo oo wax cuno haysan ayna jirin meel ay kasoo gataan.

Wasiirka Gaashaandhiga wadanka Kenya Yusuf Xaaji ayaa booqanaya magalada Gaarisa isagoona tagay isbitaalka guud ee magaada halkaas oo kusoo booqday dad dhaawacyada ay kasoo gaareen qalalaasihii shalayto dhacay.

Waxa kale uu tagayay suuqa way nee magalada oo la gubay iyo meelaha kale ee aysaameysay dhibatada shalayto, isagoona la filayo inuu la hadlo dadka magalada.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Garisa ayaa canbaareysay dhibaatada ay ciidamada dalka Kenya shalayto ka geysteen waxana ay dalbadeen iney dowlada wax ka qabato sida ugu dhaqsiyaha badan.

Gaarisa waxa ku yaala xero wayn oo ku leehyihiin ciidamada Military-ga halkaas oo laga maamulo howlgalkooda ay uga midka yihiin AMISOM ee ku joogaan koofurta Soomaaliya.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: