Calendar

Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay Dagaaladda Muqdisho ka socda.

Xasan Daahir

Xasan Daahir

Bartamaha (Muqdisho):-Hogaamiyihii hore ee Ururkii bur buray ee Xisbul Islaam ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay ku fashilmeen isku dayo ay doonayeen in ay ku qabsadaan fariisimaha AL Shabaab ay ku leeyihiin Muqdisho.
“Ummadan Islaamka (Soomaaliya) oo dalkooda iyo diintoodii lagu soo duulay inay is-difaacaan xaq ayay u leeyihiin, waan diriraynaa… waan is-difaacaynaa… waana guuleysanayaa,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan duulaanka AMISOM.
Xasan Daahir waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan Xarakada Al Shabaab si looga hortago duulaan ciidamada AMISOM ay ku soo qaadeen deegaanada ay xakumaan Xarakada Al Shabaab.

“Dadkaas (ciidamada AMISOM) iyagaa nagu soo duulay… iyagaa nasoo aaday… iyagaa xumaantooda nagu faafinaya, inaan is-difaacdana ma ahan mid lala yaabo, waayo shucuubta caalamka ku nool waa is-difaacdaa, ummadii aan isdifaacinna waa gumowdaa,” ayuu yiri Sheekh Aweys.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku baaqo dagaalo ka dhan ah DKMG ah iyo AMISOM tan iyo markii uu ku biiray Xarrakatul Shabaab, balse bishii hore ayay ahayd markii uu sidan oo kale ku baaqay in weerarro mideysan lagu qaado ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay kusoo dalka kusoo duushay.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: