Calendar

Maamulka Galmudug oo kala diray golaha wasiiradda.

mudug

Madaxweynaha Galmudug State Maxamed Axmed Caalim ayaa xalay xil ka qaadis ku sameeyay Dhamaan golihii wasiirada Galmudug State iyo qaar ka mid ah gudoomiyayaal degmo iyo Maamulka gobolka Mudug.
Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalim ayaa soo saaray labo Wareegto oo mid ka mid ah xilalkoodii looga qaaaday dhamaan golihii wasiirada Maamulka Galmudug iyo ku xigeenadooda, halka wareegtada kalena xilkii looga xayuubay qaar kamid ah Masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinka Galmudug State.
Madaxweynaha ayaa wareegtada uu ku kala diray golaha wasiirada Galmudug iyo ku xigeenadiisa Waxa uu ku sababeeyay kadib markii golaha wasiirada uu soo kala dhexgalay khilaaf dhinaca Amaanka, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada taasi oo keentay in uu go’aan ka gaaro Madaxweynaha Galmudug Max’ed Axmed Caalim.
Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale xilkii looga qaaday Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Iimaan Xasan Jimcaale iyo duqa degmada Gaalkacyo Qeybteeda Koonfureed Saciid Bulbul iyo duqa degmada Hobyo.
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhex jiray maamulka la magac baxay Galmudug State khilaafaad soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa.

xafiiska wararka bartamaha: muqdisho

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: