Calendar

Xizbul Islaam Hiiraan oo ka hadashay howlgal dad badan ay Xabsiyada ku dhigtay.

xizbul sial Bartamaha(Baladweyne):-Maamulka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo balaaran oo dhawaanahan ay ka wadeen Gobolkaasio Hiiraan.

Afhayeenka Xizbul Islaam Hiiraan Sheekh Maxamed Wehliye Odawaa ayaa sheegay in howlgalada ay ka sameeyeen wadooyinka Gobolka ay guula balaaran ka gaareen.

Odawaa ayaa sheegay in howlgalka laga sameeyay Wadooyinka Gobolka lagu soo qabqabtay Kooxo Burcad ku dhibaatayn jirtay dadka safarka ah wadada xiriirisa Hiiraan ikyo Gobolada dhexe.

Afhayeenka ayaa xusay in howlgalka ay sameeyeen in ku sifeeyeen kooxaha Burcada wadooyinka  oo dhawaanahan qaati laga joogay islamarkaana qaar badan ay soo qabqabteen.

Sargaalka Xizbiga u hadlay waxa uu sidoo kale sheegay in ay hayaan kooxo Darawalo ah oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha Burcada ah kuwaasi oo haatan xerxeran.

Hadalka maamulka Hiiraan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaanahan ay howlgal dad badan xabsiga lagu dhigay ay ka sameeyeen Wadooyinka Gobolkaasi Hiiraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: