Calendar

Bandow Xalay ka dhaqan galay Degmada Dhuusa-mareeb Gobolka Gal-gaduud.

Ahlu_SunnaBartamaha(Dh/mareeb):-Bandow aan horay loo shaacin ayaa Xalay ka hergalay Degmada Dhuusamareeb Gobolka Galgaduud.

Maamulka  Ahlu sunnah dhuusamareeb ayaa xalay bandow saaray Deegaankaasi ka dib cabsi dhanka ammaanka ah oo xalay laga dareemay Magaalada.

Ciidamada Ahlu sunnah ayaa magaaladaoo dhan lagu soo daadiyay waxaana meelaha qaar laga maqlayay rasaas ka dhacaysay taasi oo aanay cidi ogaan waxa ay ahayd.

Warar hoosaadyo la helay ayaa sheegaya in ciidamo shabaab ka mida ay xalay soo galeen magaalada xaafado ka mida wallow markii danbe ay dib uga laabteen.

Dhuusamareeb ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada ay AHlu sunnah ku xoogantahay wallow ay ku dhow yihiin Ciidamada alshabaab oo mararka qaar weerar ku qaada saldhigyada ahlu sunnah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: