Calendar

Yoweri Kaguta Museveni oo ku guuleestay Doorashooyinkii dalka Uganda.

Madaxwayne Musaveni

Bartamaha (Kampala):- Yoweri Kaguto Museveni ayaa ku guuleystay madaxweynenimada wadanka Uganda, 68.4% ayuu ka helay dhamaan codadkii ay dhiibteen muwaadiniinta reer Uganda maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay.
“Dooarashooyinka dalka Uganda ka dhacay waxaa ku guuleestay Madaxwayne Yoweri Kaguta Museveni oo helay codad gaaraya 5,428,369 (68.38%), iyadoo kalinta 2-aad uu galay Dr. Col. Kizza Besigye wuxuuna helay 2,064,963 (26.01%), halka musharraxa kaalinta 3-aad ee Mao Nobert uu helay 147 ,917 oo u dhiganta (1.86%).” Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Guddoomiyaha guddiga doorashada Bedru Kigunddu


Dhanka kalle Mucaaradka ayaa oo horay oga digay in lagu shubto Doorashooyinka dalka Uganda ayaa sheegay in Yoweri Kaguta Museveni uu ku shubtay doorashooyika, Olara Otunnu oo ah musharraxa kaalinta 4-aad soo galay uu sheegay in Museveni ku shubtay doorashada, laakiin xisbiguusu aanu maxkamada u sare gudbin doonin dacwo ka dhan ah guddigii doorashada.
Guddoomiyahah guddiga doorashada Bedru Kigunddu ayaa xaqiijiyay in doorashadu si xor iyo caddaalad ah ay u dhacday, isagoo mucaaradka ugu baaqay inay aqbalaan natiijadii ka soo baxday doorashada.
Museveni ayaa wadanka Uganda madaxweyne ka soo ahaa 25-kii sano ee lasoo dhaafay,wuxuuna wadanka ku qabsaday xukun milatari, isagoo 25 January 1986 inqilaabay madaxweynihii ka horeeyay ee General Tito Lutwa Okello.
Waa markii 4-aad oo isku xigta ee Museveni ku guuleystay doorashada madaxtinimada wadanka Uganda.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: