50-Sano jir Kufsi lagu Eedeeyay oo lagu dilay Jubada Hoose..
Bartamaha (Salagle):- Alshabaab ayaa xukun ku riday ninkii ugu da’da weynaa oo Kufsi lagu soo Eedeeyay gudaha Gobolka Jubada Hoose.
Fagaaro ku yaala Deegaanka Salagle ee Gobolka Jubada Hoose ayaa shalay lagu toogtay nin 50-Sano jir ah oo lagu Eedeeyay in uu geystay dil iyo Kufsi gudaha gobolkaasi.
Ibraahim Xaaji C/qaadir oo ahaa nin 50 sano jir ah ayaa shalay wxaa ku dhacay xukun dil ah ka dibna lagu dilay boqolaal dadweyna ah hortooda.
Ibraahim Xaaji C/qaadir  ayaa laga soo qabtay degmada Saakow ee Gobolka Jubada hoose waxaana loo haystay maalmihii la soo dhaafay dil iyo Kufsi uu u geystay haweenay gudaha Gobolkaasi.
Ninkan ayaa maalma ka dib waxaa shalay dhacday in loo dilo Eedeynta loo jeedinayay iyadoo xukunka uu ku dhacay ka dibna la horkeenay dadweynaha Degmada Salagle halkaasi oo lagu toogtay.
Xukunkan oo ahaa midkii ee si toos ah dadka hortooda ay ku dilaan nin 50-Sano jir ah oo kufsi iyo dil lagu Eedeynayay taasi oo dad badan ka fajicisay.
Ma aha markii ugu horaysay oo dil loo geysto nin da’ ah waxaana xusid mudan in sanadii la soo dhaafay la dilay 60-jir la amray dukashada salaada gudaha Degm,ada Walaweyn ee Gobolkaasi Sh/Hoose.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments