Calendar

Askar ku dhimatay goob lagu shaaho oo qarax lala beegsaday degmada Beledxaawo

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay goob lagu shaaho oo ku taal degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa ahaa bam la suray meel kore oo maqaayada ah, iyadoo ay ku qaraxday askar maqaaxidaas lagu shaaho fadhiisan jirtay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Buule Aadan ayaa sheegay in labo askari ay ku dhinteen, labo kalena ku dhaawacmeen, isagoo intaa ku daray in aanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday.

Ciidamada dowladda ayaa saakay howl galo ka wada qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Beledxaawo oo ku dhow Xuduuda Itoobiya iyo Kenya.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in mudooyinkan ammaanka degmada uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana aanay jirin falal amni daro oo ka dhici jiray degmada Beledxaawo.

Degmada Beledxaawo ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka mid aheyd degmooyinkii u horeeyay ee laga saaro Al-Shabaab horaantii sanadkii 2011.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: