Calendar

Faysal Cali Waraabe oo walaac ka muujiyay jiritaanka Somaliland

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa wal wal ka muujiyay nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo in aanu talada gacanta ugu jirin.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dad aan la soo dooran ay talada maamulka gacanta ugu jiraan, taasoo uu tilmaamay inay keentay in musuq maasuqi uu sii baaho, dimoqraadiyadii ay mugsi sii gasho.

“Waxaan wal wal ka qabaa jiritaanka Somaliland iyo nabadgelyadeeda, in Madaxweynaha aanu talada gacanta ugu jirin oo dad aan la soo dooran ay meesha hayaan, runtii Siilaanyo waa siyaasi rug cadaa aha, ma aqaan meesha ay wax ka qaldan yihiin”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Feysal Cali Waraabe ayaa inta badan naqdiya siyaasada Maamulka Somaliland, isagoo Madaxtooyada iyo Wasiirada uu si kulul uga weeraro qalabka Warbaahinta, waxaana inta badan hadaladiisa ay yihiin kuwo aanu la ganban.

Maamulka Somaliland ayaa muddo 20-sano raadinaya aqoonsi, tan iyo markii 1991-dii ay ku dhawaaqeen inay yihiin dal ka go’ay Soomaali inteeda kale, inkastoo wali wada hadalo ay u socdaan iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: