read more »">
Calendar

Baarlamaanka Soomaaliya oo beeniyay warar sheegayay in Ra’iisul wasaaraha Mooshin laga keenay

Saacid_oo_la_kulmay_Arday_2Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in warqad loo diray Ra’iisul Wasaare Saacid Saacid looga dalbaday in Baarlamaanka uu soo weydiisto codka kalsoonida

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta, isla markaana aanay jirin wax warqad ah oo uu Gudoonka u qoray Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo looga dalbanayay in 26-ka bishan uu hor yimaado Baarlamaanka.

“Warkaas waa waxba kama jiraan ee ay baahiyeen idaacadaha iyo website-yada waxay yiraahdeen mooshinbaa Ra’isulwasaaraha laga keenay kadibna Gudoonka ayaa warqad u qoray Ra’isul wasaaraha oo looga dalbanayo inuu Golaha shacabka kalsooni soo weydiisto laakiinse waxa uu si cad u sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah”ayuu yiri C/kariin Buux.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha loogu yeeray 26-ka bishan in Baarlamaanka u jeediyo khudbada waxqabadka xukuumadiisa ee halka sano jirsatay, iyo sidii baarlamaanka uu ugala hadli lahaa miisaaniyada sanadka 2014 ee soo socota.

“Arrinta u yeerista waxaan doonayaa inaan shacbiga u iftiimiyo Ra’iisul Wasaaraha 26-ka bishan waxaa loogu yeeray waa inuu Baarlamaanka u jeediyo khudbadiisa uu kaga hadlayo xaalada dalka waana khudbad dhammaanba Baarlamaannada caalamka ay ka jeediyaan madaxdu waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa (The state of the nation) wuxuuna Baarlamaanka kala hadli doonaa miisaaniyadiisii hore sida ay u hirgashay, caqabadaha ka hor yimid iyo sidoo kale inuu Golaha Shacabka horkeeno miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2014 ayadoo kadibna uu Wasiirka Maalliyadda imaan doono oo arinta Miisaaniyadda sii amba qaadi doono taasi ayaana ah xaqiiqda jirta oo ma jiro wax mooshin ah oo la keenay”ayuu mar kale yiri Xoghyaha guud ee Baarlamaanka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa ka hadlay nidaamka mooshin keenista waxaana uu xusay in marka ay XIldhibaannada mooshin soo diyaariyaan ay isaga oo xoghayaha guud ee Golaha ah kadibna uu lifaaq ku daro sidaasina uu gudoonka Baarlamaanka ugu gudbiyo,si cadna waxa uu u sheegay inaanay hada jirin wax mooshin ah.

Hadalkan ka soo yeeray Xoghayaha guud ee Baarlamaanka ayaa imaanaya, xilli ay jireen guux badan oo ku saabsan inuu socdo qorshe la doonayo in mooshin looga keeno Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: