Calendar

Cali dheere oo sheegay inay Nairobi ku dhawaatay inay kamid noqoto wilaayaadka Islaamiga ah

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo shalay salaadii ciida kadib boqolaal qof kula hadlay degmada Baraawe ayaa sheegay in magaalada Nairobi ay ku dhawaaqat inay ka mid noqoto wilaayaadka Islaamiga ah ee ay ka taliyaan.

Cali Dheere ayaa sheegay in koox yar oo ka mid ah dagaalyahanadooda ay afar maalmood heysteen Rugta Ganacsiga ee Westgate, taasna ay muujisay inay u dhowaadeen in iyagoo mujaahidiintooda gaarin halkaas inay ku dhowaataan inay Nairobi ka mid noqoto deegaanada ay ka taliyaan.

“Nairobi waxay ku dhawaatay inay ka mid noqoto wilaayaadka Islaamiga ee aan ka talino, markii koox yar oo ay dhowr maalmood heysteen Westgate”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii Westgate uu ahaa fariin ay u dirayeen dowladda Kenya oo ku aadan duulaanka ay ku soo qaaday Soomaaliya sida uu yiri.

“Weerarkii Westgate ma aheyn dagaal weyn oo ay Mujaahidiintu qaadeen, wuxuu ahaa fariin aan u direynay Kenya dulmiga iyo cadawtinimada ay ku soo weerartay dhulka Soomaaliya”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Cali Dheere oo mar ka hadlay weerarkii Ciidamo gaar ah oo Mareykanka ka tirsan ku soo qaaday todobaad ka hor degmada Baraawe ayuu sheegay in weerarkaas uu aha mid indhaha caalamka looga jeedinayay weerarkii Westgate, hase ahaatee uu ku fashilmay Mareykanka.

Xarakada Al-Shabaab oo ka talisa qeybo badan oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa horay weeraro ugu qaaday magaalooyinka Kampala iyo Nairobi, iyadoo ku goodisay inay weerareyso dalalka kale ee ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: