Calendar

Bacadlaha Xamar Weyne oo dib loo furey

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyey in dib u furmey bacadlihi waynaa ee Xamar wayne oo ku xermay dagaaladii sokeeye ee ka jirey Soomaaliya.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan oo warbaahinta u qabtey shir jaraa’id ayaa sheegay iney ku guleeysten iney dib u furan bacadlaha Xamarwayne.

Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay in kadab 500 oo qofood ay ku guuleysteen iney helaan furayaasha dukaamadda suuqa bacadlaha markii baqtiyaa nasiib ku qabteen hotelka City Plaza ee Muqdisho.

Bacadlaha Muqdisho ayaa ka kooban wax ka badan 5000 oo qol iyadoona ay dhismihisa wadeen maamulka gobolka Banadir iyo shirkad Soomaaliyeed.

magalada Muqdisho ayaa nolasheeda ay kusoo noqoneysaa mid caadi ah markii sanadkii hore magalada ay iskaga baxeen kooxda Al Shabaab oo dagaalo kula jirtey ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay burburinta dhul ay sheegeyn iney laheed dowlada hoose ee Muqdisho oo ku yaalay degmada Cabdi Casiis oo dad si sharci daro ay ku dhisteen.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka oo la hadlay saxafada waxa ay dadka uga digeyn iney iibsadaan dhulka ay leehdahay dowlada iyo dhulka aan sharcigooda aan saxsaneen.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: