Calendar

Bogga Isku Xirka Bulshada ee Facebook (Barnaamij)

FB 2Bar-kulan: Barnaamijka Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda waa barnaamij todobaadle ah oo aad Bar-kulan ka dhageysan karto todobaad walba.

Barnaamijkan waxaa loogu talo galay in lagu iftiimiyo is badbadelka tiknoolajiyada caalamka iyo ogaanshaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarka culuumta tiknoolajiyadda.

Waxaan barnaamijka ku soo qaadanaa warbixinada ugu dambeeyay ee la xiriira, aaladaha tiknoolajiyada, shirkdaha dhinaca tiknoolajiyadda iyo sidooo kale waxyaabaha ku soo kordhay culuumta tiknoolajiyadda caalamka iyo Soomaalida intaba.

Barnaamijka Tiknoolajiyadda waxa uu Bar-kulan ka baxaa subaxnimada Sabtida07:10 daqiiqo oo aroornimo iyo 09:10 daqiiqo oo fiidnimo, sidoo kale barnaamijka oo ku celisa waxa aad dhageysan kartaa subaxnimada axadda 10ka aroornimo.

Todobaadkan barnaamijka waxaan ku soo qaadanaynaa qeybta 1aad ee barnaamijyo xiriir ah oo aanu ku eegayno qaab isticmaalka bogga isku xirka bulshada ee Facebook.

Qeybta 1aad ee Barnaamijka.

Muuqaalka guud ee Bogga Facebook, cidda leh mulkiyadda wakhtigii la helay, isbadeladuu soo maray iyo waliba sidoo kale luuqadaha lagu qoray iyo kuwo ku jira wakhtigooda tijaabada.

Qaab isticmaalka Soomaalida ee facebook, qaabka xiriirka ay dadku sameeyaan, wadaagidda xogaha shakhsiyada iyo waxyaabaha ugu yaabka badan ee ay inta badan la kulmaan isticmaalyaasha Facebook.

Qeexidda iyo Taariikhda Bogga Facebook

Bogga isku xirka bulshada ee Facebook waxaa gabigiisba la helay bishii Feb ee sanadkii 2004 iyadoo kadibna uu Facebook noqday shirkad leh mulkiyadda bogaasi kana mid ah shirkadaha macaashka ugu badan ka sameeya dhinaca tiknoolajiyadda caalamka gaar ahaana onlineka.

Waa adeeg ay bulshada caalamku ku xiriirto si ay isula socdaan asxaabta iyo qaarabada ku kala firirsan dunida, waxayna si wada jir ah isula wadaagaan dadka isticmaala Facebook wada sheekaysiga, fariimaha qoraalka, sawirada iyo muuqalada videoga.

Facebook, Dalka 3aad ee Caalamka

Boggu waxa uu kamid yahay boggaga isku xirka bulshada ee lagu wadaago sheekooyinka iyo dhacdooyinka ka dhaca daafaha caalamka waxaana xubno ka ah kalyanti ka badan 500 milyan sida la xaqiijiyay bishii Luulyo ee sanadkan 201o, taasi oo ka dhigaysa in hadii Facebook uu noqon lahaa dal gooni uu taagan uu gali lahaa kaalinta 3aad iyadoo dalalka shiinaha iyo hindiya ay kaliya ka dad badnaan lahaayeen, waayo shacbiga shiinaha qiyaastii ugu dambaysay ee la sameeyay sanadkan 2010 waxaa lagu sheegay 1.3 bilyan, halka hindiyana lagu tilmaamay 1.18 bilyan, waxa uuna Facebook kaalinta 3aad ka saaray dalka mareykanka oo lagu sheego tirada guud ee dadka ku nool iney gaaryso 310 Milyan, halka Facebook ay isticmaalaan in kabadn 500 Milyan.

Isticmaalyaasha amaba kalyantiga bogga isku xirka bulsahada ee Facebook waxay si lamid ah akoontiyada laga dirsado fariimaha dhinaca korontada ee Emailka ay isu diri karaan dhambaalo iyadoo sidoo kalana aad si furan ula sheekaysan karto dhaman isticmaalayaasha bogga isku xirka bulshada ee facebook gaar ahaana shakhsiyaadka kuugu jirta akoontigaaga.

Wadaagida Xogaha Shakhsiyadda

Waa bog aad bulshada caalamka la wadaagi karto dhamaan macluumaadka ku saabsan shakhsiyadaada sida taariikh nololeedkaaga waxyaabaha aad jeceshahay heerka aqoontaada xirfafadaada, da’daada, qoyskaaga, sawiradaada iyo waliba wax walba oo si khaasa adiga kuugu saabsan.

Bogagga ka helitaanka amaba ka mid noqoshada

Sidoo kale waxaa jira bogag isku xira dadyowga jecel amaba ka hela shabakado kala duwan sida macaahida waxbarashada, xarumaha warbaahinta, baraha siyaasiyiinta, fanaaniinta iyo shakhsiyaadka kale ee caanka ka ah dunida.

Kamid Noqoshada Facebook

Ruuxa loo ogol yahay inuu xubin ka noqon karo Facebook oo uu ku biiri karo kalyantiga isticmaala facebook waa inuusan ka yareyn 13 sano jir inuu ka weyn yahay maahane.

Aasaaska Bogga isku xirka bulshada ee Facebook
Zuckerberg, Agaasimaha guud ee Facebook

Boggan oo dhabtii wax ka badalay qab xiriirka caalamka waxaa aasaasay amaba dhidibada u taagay muwaadin mareykana oo lagu magacaabo Mark Zuckerberg isagoo kaashanayay amaba gacan ka helayay ardey saaxiibadiis ah oo ay isku qol wada deganayeen mar uu dhiganayay jaamacadda Harvard Gobolka Massachusetts ee dalka mareykanka.

Waxaana ardeydaasi oo baranayay culuumta kumbiyuutarada ee Zuckerberg ku weheliyay curinta facebook kamid ahaa Eduardo Saverin, Dustin Moskovitz iyo Chris Hughes.

Bilawgii isticmaalka Bogga Facebook

Isticmaalka bogga Facebook waxa uu markiisii hore ku sargo’naa oo isticmaali karey kaliya aasaasyaashii sameeyay bogani waxayna markii dambe u badalleen shabakad ay kuwada xiriiri karaan ardeyda wax ka baranaysay jaamacadda Harvard, kadib waxaa lagu dayay koleejyada iyo macaahidda waxbarashada ee magaalada Boston sida Ivy League iyo Jaamacadda Stanford.

Ka dib markii guul laga gaaray in la gaarsiiyo macaahidda waxbarshada ee magaalada Boston ee gobolka Massachusetts ayaa waxaa lagu dayay inta badan jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka mareykanka iyadoo ugu dambeyntiina loo furay in bogga isku xirka bulshada ee Facebook uu isticmaali karo shakhsi walba oo ka weyn da’da 13 sano jirka.

Xanibaado Lagu Sameeyay Facebook
Mudaharadayaal Pakistan/ Lah Getty Images

Bogga isku xirka bulshada ee Facebook waxaa dhawr jeer ku yimid arimo dhaliyay khilaaf iyo iska horimaadyo ay ku qaadeen qaar kamida dalalka Caalamka, waxaan dhacday in laga mamnuuca dalal ay kamid yihiin Pakistan, Jamhuuriyada Shiinaha, Vietnam, iyo waliba jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiran.

Dhinaca kale waxaa dhacday in qaar badan oo kamida goobaha shaqada in laga mamnuuco isticmaalka adeegga Facebook iyadoo shaqaalaha goobahaasi lagu sheego inuu wakhtiga uu ka qaadayo isla markaana ay ku mashquulayaan isticmaalka bogaasi.

Dhaliisha Wadaagidda Xogaha Shakhsiyadda

Waxyaabaha sidoo kale lagu dhaliilo Bogga isku xirka bulshada ee Facebook waxaa kamida qaabka loo wadaago xogaha shakhsiyada iyadoo lagu dhaliilay in xogaha gaarka ah, ay noqdaan kuwa la wada arki karo taasina waxay dhalisay in arinta privasiga Facebook loo gudbiyo qaar kamida laamaha sharciga wadamada mareykanka iyo qaar kamida dalalka yurub, sidoo kale bogga waxaa lagu dhaliilay helitaanka daabacaad lagu sameeyay xog ku saabsan 100 milyan oo kamida isticmaalayaasha Facebook.

Qiimeynta Isticmaalyaasha Facebook
Alexa.com

Bishii Janaayo ee sanadkii 2009 Bogga lagu magacaabo Compete.com oo ah bog qiimeyn ku sameeya isticmaalka iyo booqdayaasha baraha onlineka ayaa ku sheegay in Facebook uu yahay bogga loogu isticmaalka badan yahay bogaga isku xirka bulshada ee caalamka haatan Laga isticmaalo, waxa uuna kaalinta labaad galiyay wakhtigaasi bogga mysapce.com oo kamida bogaga sheeko wadaaga ee caalamka ka jira, halka Alexa.com uu isaguna bishii June ee sanadkan uu ku qiimeeyay Facebook bogga 2aad ee loogu booqashada badan yahay caalamka.

Mulkiyadda iyo Xarumaha Facebook

Mulkiyadda Bogga markii la sameeyay wixii ka dambeeyay sanadkii 2004 waxa uuba Facebook noqday Shirkad iskeed u taagan oo gaar loo leeyahay, sanadkan 2010 waxaa la sheegay in shaqaalaha ka shawqeeya horumarinta iyo sii wadida boga Facebook ay gaarayaan ilaa iyo 1400 shaqaale, waxaana bogga laga isticmaalaa guud ahaanba dalalka caalamka, waxaana Facebook xaruntiisu ugu weyni ay ku taallaa halka lagu magacaabo Palo Alto gobolka California ee dalka mareykanka, sidoo kale xarunta Yurub, bariga dhexe iyo afrika waxay ku taallaa Magalada Dublin ee dalka Irealand, Xarunta qaarada ugu weyn dunida ee Aasiyana waxa ku taallaa magaalada Seoul ee dalka koonfur kuuriya, halka xarunta dalalka la isku yiraahdo Oceania ay ku taallo magaalada Wellington ee dalka New Zealand.

Sidoo kale Facebook waxa uu xarumo ku leeyahay inta badan dalalka caalamka sida London, Milan, paris, stochlom, Sydney iyo Toronto.

Dakhliga Soo Gala Facebook
Jaantuska Kharashaadka

Qiyaastii ugu dambeysay ee la sameeyay sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2009ka waxaa lagu sheegay in bogga isku xirka bulshada ee Facebook uu kharash ahaan u helo 800 milyan oo doolarka mareyakanka ah, waxayna inta badan kharashaadku bogga Facebook kasoo gallaan adeega xayaysiinta sida looxanta xayaysiinta ee bannerska, suuqgeynta alaabaha ay soo saaran warshadaha caalamka, iyo waliba sidoo kale wadaagida gamemka lagu ciyaaro ee lagu madadaasho.

Ku biiritaanka Facebook

Kamid noqoshada bogga Facebook waa mid sahlan waxaad booqanysaa bogga www.facebook.com kadibna waad iska diiwaan galinaysaa si aad sheeko wadaag ula noqoto kalyantiga 500 ee milyan gaaraya ee isticmaala bogga isku xirka bulshada ee Facebook.

Luuqadaha Lagu Qoray

Sida ku cad bogga Facebook, bogga ilaa haatan waxaa lagu qoray ku dhawaad 70 luuqadood oo kamida luuqadaha looga hadlo caalamka waxaana kamida luuqadaha bogga lagu qoray Mandariinka shiinayska, Spanishka, Englishka, Hinduuga, urduuga, carabiga, faransiiska, portiguesse russianka iyo luuqado kale oo ku dhaw ilaa iyo 70 luuqad.

Lahjadaha Facebook lagu qoray

Luuqadaha facebook lagu qoray iyadoo qaar kamida ay ku jiraan wakhtigooda tijaabada haddana waxaa jira in luuqado nasiib u helay in lagu qoro lahjadaha ay luuqadahaasi leeyihiin waxaana kamidda luuqadda Shiinayska oo lagu qoray lahjadaha looga kala hadlo Shiinaha, Taiwan iyo Hongkong, Lahjadaha mareykanka iyo Biritishka ee luuqadda ingiriiska, lahjadda faransiiska looga kala hadlo Faransiiska iyo Kanada, lahajadda luuqadda Spanishka ee looga hadlo Spain iyo qaar kamida dalalka Koonfur ameerika, sidoo kale waxaa bogga lagu qoray labada lahjadood ee luuqadda Norgegianka eek ala ah Bokmal iyo Nyrosk amaba new Norwegian.

Luuqadaha Ku Jira Wakhtigooda Tijaabada

Luuqadahan lagu qoray Facebook oo gaaraya ilaa iyo 68 luuqadood waxaa jira luuqado qoraalkooda dhawaantan lasii daayay oo ku jira wakhtigooda tijaabada waxaana luuqadahaasi kamida Bosnianka, Kiswahiliga, Norwegianka, kurdishka, ukranianka, faarisiga iiraan iyo Pashtuuga Afghanistan.

Isticmaalka Soomaalida iyo Facebook

Inkastoonan bogga Facebook lagu qorin luuqadda afka Soomaaliga hadana, waxay luuqada waxbadani la wadaagtaa luuqada afka ingiriisiga oo ah luuqadii uu ku dhashay amaba ku bilawday bogga isku xirka bulsahada ee Faceebook, waxaana jira Soomaali aad u badan oo isticmaasha bogga isku xirka bulshada ee Facebook, waana kuwaan qaar badan oo kamida Soomaalida isticmaasha Facebook, oo ku kala firirsan qaaradaha caalamka waxayna dadkani oo ruux waliba oo uu ku bilaabayo magiciisa halka uu ku sugan yahay iyo mihnadiisa, ay ka hadli doonaan aragtidooda ku aadan waxa uu caalamka kusoo kordhiyay amaba ka badalay Bogga Isku xirka Bulshada ee Facebook, iyo bal qaabka uu u sahlay iney bulshadu noqdaan kuwo isku xiran.

Facebook waxaa suura galiyay adeega internetka oo sal u ah in la sameeyo qaab xiriir ku salaysan dhinaca onlineka caalamka, Soomaalida oo ay dagaalo sokeeye ragaadiyeen 19kii sano ee ugu dambeysay waxay u kala firxatay daafaha caalamka, hooyo aabe iyo awlaadii ay dhaleen ayaa is waayay oo kala galay labada cirif ee koonkan aynu ku nool nahay, waxaa waayadiiba ay dagaalada sokeeye dhaceen la isku baafin jiray adeegyo ay kamid yihiin baafinta, isgaarsiinta oo goor dambe dalka si fiican uga hanaqaaday iyo iyadoo markii dambana la helay bogaga onlineka ee lagu dirsan karo fariimaha dhinaca korontada ee loo yaqaano Email messageska, haddana qaar kamida Soomaalida adeeggani isticmaasha waxay isla qireen in facebook uu suurta galiyay iney dib isu helaan saaxiibo, asxaab isla soo koray amaba wax isla soo bartay oo ay wakhti iyo waayo kala kaxeeyeen.

Sidoo kale waxaa jira dhageystayaal fikradahooda nagu soo gaarsiiyay dhinaca onlineka amaba internetka sida barta aanu ku leenahay internetka ee bar-kulan.com, iyo waliba bogga aynu ku leenahay facebook oo aad naga heli karto Facebook.com/barkulan.

Xiriirka Dagaalada Sokeeye Kadib Iyo Facebook

Hadaba maadaama mushkiladaha dagaalada sokeeye ay sababaeen in dad badan ay kala lumen haddana su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay muxuu bogani ka taray dadkii sidaasi caalamka ugu kala baahay ee ay dagaalado dalkoodii hooyo ka barakaciyeen, isla markaana aanan isku xisaa.

Kala Duwanaanshaha Wakhtiyadda Isticmaalka

Marar badan waxaa dhacday in goobaha laga shaqeeyo iyo xarumaha waxbarashada ee ku xiran onlineka caalamka ay ka digaan qaabka ay dadku ugu mashquulaan adeegsiga bogga isku xirka bulshada ee Facebook, hadana bogga facebook waxaa hubaal ah inuu noqday qabatin dhab ah oo ruux waliba ku duwo inuu ugu yaraan maalintii 3 saac oo marba uu xoogaa ku bixiyo adeeggani isticmaalkiisa waa kuwaan shakhsiiyad ka hadlaya celcelis ahaan inta ay ku bixyaan maalintii isticmaalka adeegga facebook.

Hadaba hadii ay shakhsiyaadkani iyo kuwa kale oo badanba ay wakhtiyadaasi oo kale ku bixiyaan bogga facebook, ma jiraan iney dadka adeegga facebook isticmaala ay bartaan saaxiibo qiimo leh oo uu helitaankooda facebook suurta galiyay amaba ay dib ugu heleen saaxiibo ay kala geeyeen darxumada ka dhalatay dagaalada sokeeye ee maalinba midabka yeesha ee ka holcaya dalkeenii hooyo, iyo bal sidoo kale iney jiri karaan lamaanayaal isku guursady xiriir markiiisii hore uu suurta galiyay bogga isku xirka bulshada ee Facebook.

Ka helitaanka Saaxiibo Qiimo Leh ama Lamaanayaal Isku guursaday

Markii aan la sheekaystay Soomaali badan oo xaataa qaarkood aanan aqoon durugsan u lahayn aasaasayaashii bogga Facebook, iyo is badelada tiknoolajiyadda caalamka haddana waxay intooda badani si dhameystiran uga warqabaan in bogani uu gaaray meel aanan marnaba laga filayn markii la sameeyay, waxay dadkaasi ii sheegeen iney si wanaagsan uga warqabaan in boggani ay sameeyeen dhalinyaro dhiganaysay jaamacad ku taalla mareyanka, hadana waxay inta badan shakhsiyaadkan Soomaalida ahi ay isku raaceen in bogaan wax ka badalay qaab xiriirka onlineka caalamka uu u muuqdo mid fikradii lagu unkay ay noqotay mid Guulaysatay.

Fikrado Muujinaya in Boggani uu Guulaystay.

Dhinaca kale shakhsiyadkan aan wax ka weydiiyay qaab isticmaalkooda facebook ayaan sidoo kale waxaan wax ka weydiinay aragtodooda ku aaddan qaabka wadaagida xogaha shakhsiyadda sida sawirada iyo dhamaan xogta ruuxa akoontigiisa ku jira waxayna intooda badani isku raaceen ineysan wax dhiba ku jiran ayna tahay mid laga doonayo in ruuxu uu si dhameystiran ula socdo hadii uu dadka u furayo iyo hadii uu dadka kaxirayo labadaba waxaana dadka Hadaladooda kamid ahaa.

Xogaha Shakhsiyadda iyo Aragtida Soomaalida

Wadaagidda xogaha shakhsiyadda amaba waxa loo yaqaano Prifasiga waxay kamid yihiin, waxyaabaha muranka badan dhaliyay maarka laga hadlayo isticmaalka Facebook, haddaba qaar kamida Soomaalida isticmaasha bogga Facebook ayaa isku raacay iney in hadba xogta aad la wadaagayso dadka isticmaalka facebook ay adiga ku xiran tahay qaabka aad u dooranayso ayna ahayn, wax markaasi dhibaato leh iyadoo gabadha badan ay ka cawdeen in sawiradooda si khladn loo isticmaalo iyadoo lagala baxo baraha ay ku leeyihiin bogga Facebook.

Dhacdooyinka yaabka leh iyo Soomaalida Facebook

Ugu dambeyntii markii aad ku dhex jirto isticmaalka adeegga bogga facebook waxay indhahaagu qabanayaan haween farabadan oo Soomaaliya oo ka cabanaya dhibaatooyin dhinaca anshaxa ah iney kala kulmaan qaar kamida ragga isticmaala bogga Fcaebook iyagooo ku dhaliila sida in laga qaadto sawiradooda oo si aanan wanaagsaneyn loo isticmaalo, iyo waliba in hadalao aanan anshaxa ku wanaagsanyn lagu qoro wall postiskeeda, iyadoona markaasi dhaxalsiisa inuu ruuxaasi isaga guuro isticmaalka facebook, amaba uu si khaasa u xirto xogta ku qoran akoontigiisa, bal aynu yar fiirino hadalada dardaarannka ah ee ay qaar kamida dhalinyarada Soomaalidu u soo jeedinayaan dadka arimahahaasi lagu eedeeyo.

Todobaadka soo socda haduu rabbi idmo ayaad la socon doontaan qeybta 2aad ee barnaamijka.

Boggaa qeybtiisa hoose ayaad barnaamijka ka dhageysan kartaa.

Sidoo kalle waxaad barnaamijka ka dhageysan kartaa qeybta hoose.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Cabdiqafaar Shire.

Xigasho: Bar-kulan.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Tiknoolajiga.
« »

Comment: