Calendar

Burcad Baddeed lagu xukumay 33 sano xabsi ah.

C/Wali Cabdulqaadir Muse

C/Wali Cabdulqaadir Muse

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa 33 sano iyo 9 bilood oo xabsi ah ku xukuntay burcad-badeed Soomaali ah oo lagu helay danbi la xiriira afduub loo geystay markab xamuul oo Maraykanku lahaa oo marayay biyaha badweynta Hindiya.
C/Wali Cabdulqaadir Muse ayaa qirtay danbigiisii inuu afduubay markabka xamuulka ee Maersk Alabama, saddex ka mid ah nimankii isaga afduubka la sameeyay waxaa la dilay markii markabka la soo bad baadinaayay.
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in C/wali uu hormuud ka ahaa koox burcad-badeed ah oo si kooban u afduubatay markabka maersk alabamaoo Maraykanku lahaa iyo shaqaalihii saarnaa. Dacwad-oogayaashan waxay maxkamadda weydiisteen in C/wali lagu xukumo 35 sano oo xadhig ah, laakiin qareennada difaacayay C/wali ayaa iyagu dalbanayay 27 sanadood oo xadhig ah.
Dowladdo badna oo caalamka ka tirsan aaya maraakiib dagaal u soo diray si ay ula dagaalamaan Burcad Badeeda Soomaalida ah.

—————————–
Ibraahim Da’ud Abdalle
Selengor, Malaysia
[email protected]

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Minnesota, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: