Calendar

Burcad badeed Soomaali ah oo maanta lagu maxkamadeenayo Tanzania

Maxkamadeena burcad badeeda soomaalida ah oo gaaraya ilaa Todobo (7) Ruux ayaa waxa ay timid kadib markrii loga shakiyay falal Burcad badeednimo.

Dhalinyarada Soomaalida ee lagu maxkamadeynayo dalka Tanzania ayaa kala ah Maxamed Nuur Aadam, Bashiir Yuusuf Rooble, Muxsin Sheikh Xaaji, Cabdu wali Cabdiraxman, Fargan Cali Cabdule,Caley Nuur iyo Cumar Maxamed, waxaana dhamaantood ay wajahayaan kaliya dambiga burcad badeednimada.

Dhamaan dadkaasi ayaa lagu eedeynayaa inay ka qeyb qaateen weerar lagu qaaday markab marayay xeebaha Indian Ocean, waxaana la sheegay inuu marayay markabkaasi biyaha dalkaasi Tanzania.

Kooxaha burcad badeeda ayaa weerarka lagu eedeynayo wuxuu dhacay bishii October 3, sanadkii 2011, waxaana dhamaantood maxkamdeyntooda ay bilaabanaysa maanta oo Isniin ah.

Markabka ay weerareen dadkaasi maanta maxkamada lasoo taagayo ayaa lagu magacaabaa Sam S All Good kaasi oo la sheegay inuu waday shidaal, sida lagu sheegay war kasoo baxay dalka Tanzania.

Bartamihii bishii October sanadkii 2011, ciidamada badda ee dalka Tanzania ayaa qabtay todobada ruux ee Somalida ah, ee maanta la doonayo in maxkamad lasoo taago.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: