Calendar

Ciidamada Naafada Xooga dalka Soomaaliya oo ka cabanayo dhibaato nolol xumo

Afhayeenka Ciidamada Naafada Xoogga Cabdullaahi Kirshbooy ayaa mar uu hadalaye bahda saxaafada u sheegay in ciidamada naafada xooga ay qabaa dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Ciidamadaan ayaa waxa ay ku wax yeeloobeyn dagaalkii 77 ayagoona ku jira Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho waxayna Cabasho ka muujiyeen dhibaatooyin dhanka Caafimaadka iyo Xagga Cunnada oo ku heysata Gudaha Cusbitaalkaasi.

Afhayeenka ayaa Tilmaamay in aysan ku heysan Gudaha Isbitaalka Martiini Daryeel aad u buuran ,hayeeshee ay un iska Nool yihiin , isagoo xusay in ay soo food saartay Xaalad Biyo la’aaneed Naafada ku dhaqan Cusbitaalka Martiini , sidoo kalena ay Jiraan dhibaatooyin kale ee la xiriira dhanka Nolosha Aasaasiga ah sida Hoyga ay ku jiraan oo uu tilmaamay in uusan ka difaaci Karin Roobka , wuxuuna Afhayeenka ka dalbaday dowladda iyo Ganacsatada in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo food saartay Naafada 77.

Dhinaca kale Mid ka mid ah Naafada Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwii ku naafoobay dagaaladii Dowladdii KMG ay la gashay Al Shabaab oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhibaato dhanka Caafimaadka ah ay heysato , islamarkaana uusan xanaano ku heysan Gudaha Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho sidaa daraadeedna Dowladda uu ugu baaqayo in ay wax ka qabato Xaaladiisa Caafimaad.

Sikastaba Maaha markii ugu horeysay oo ay Cabasho ku aadan daryeelkooda oo dhan weliba leh Muujiyaan Naafada Ciidamada Xoogga dalka ee 77 iyo Kuwa dowladihii KMG oo iyagu ku jira Cusbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: