Calendar

Ciidamada Soomaaliya oo lagu weeraray magaalada Jowhar

Dowlada-618x413Qarax Khasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagula beegsaday Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka halkaaso kasoo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay Xaafada Hanti-Wadaag ee Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe waxaana la sheegay in Kooxo hubeysan ay Bambaanooyin ku tureen goob ay Ciidamada Dowladda ku sugnaayeen.

Qaar kamid ah dadweynaha Jowhar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dawlada lagu tuuray bumbo gacmeed iyagoo kaga jawaabay xabbad ay dhinac walba u fureen.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas, inkastoo ay jiraan dad lasheegay inay dhaawacmeen oo isbitaallada la geeyay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: