Calendar

Dab xoogleh oo ka kacay goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taal Muqdisho

dab-ka-cay3Khasaare dhanka maalka ah ayaa ka dhashay dab xoogleh oo maantay ka kacay goob lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaana goobta uu dabku ka kacay ay ku taal isgoyska Baar Ubax sida ay dad goob joogayaal u xaqiijiyeen wariyaheena magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta dhalisay dabkaas iyadoo qaar kamid ah goobjoogayaashu ay sheegeen in nin madaxa ka jirrani uu sigaar ku tuuray fuustooyin shidaal ku jiro oo yaallay goobtaas.

Dabdamiska ayaa ku guulaystay xakamaynta dabkaas oo laga baqayay inuu kuu sii fido goobo kale kadib markii ay qarxeen fuustooyinkii shidaalku.

Dabdamiska iyo ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu damku ka kacay oo ku soo shamuumeen dadweyne farabadan oo u soo daawasha tagay khasaaraha u dabku dhaliyay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: