read more »">
Calendar

Dabaaldega Sanad-Guuradii Aasaaskii Puntland oo ka dhacday magaaladda Boston MASS

puntland xafladaBartamaha (Boston):- Waxaa magaaladda Boston lagu qabtay xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay, taas oo loogu dabaadagayey Sanadguuradii 12naad ee aasaaskii Puntland 1998. Xafladaas waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka mudane Cabdixakim Axmed Guuleed.

Reer Boston waxay ku soo bandhigeen xafladaas jeceylka ay u qabaan dhulkoodii hooyo iyo Soomaali weyn.Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay xafladaas wuxuu ka waramay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay deegaanadda Puntland iyo Soomaaliya oo dhan. Wasiirka wuxuu si geesinimo leh iyo xilkasnimo uga jawaabay dhamaan su’aalihii halkaas lagu weydiiyey.

Wasiirka wuxuu ku soo bandhigay xafladaas muuqaal farxad weyn ku abuuray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Boston. Waxaa ka soo qeyb galay xafladaas Soomaali Weyn deegaan ahaan ka soo kala jeeda dhamaan deegaanadda Soomaaliyeed. Waxaa halkaas ka hadlay Cabdicasiis Nur Xirsi oo ka mid ah aasaasayaashii Puntland, sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay oo waano iyo dardaaran ka soo jeediyey Mudane Yusuf Samantar Bardecad oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya.

Waxaa halkaas talooyin iyo boogaadin ka soo jeediyey Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab) oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Maxamud Baclaawi (Nageeye) oo ah odey aad looga qadariyo magaaladda Boston.

Dhinaca gabdhaha Soomaaliyeed waxaa halkaas ka hadashay Dr. Siraad Yuusuf oo ah gabar Soomaaliyeed oo aad loo qadariyo. Sahro Warfaa  ayaa sidoo kale dardaaran ka jeedisay xafladaas weyn.

Xafladaa waxaa lagu soo gabagabeeyey ereyo qiiro badan abuuray. Ereyadaas waxaa ka mid ahaa Soomaaliya ha noolaato, Mudisho ha noolaato, Puntland Ha noolaato, Sool ha noolaato, Gedo ha noolaato, Bay ha noolaato, Galgaduud ha noolaato, Hiiraan ha noolaato, Soomaaliland ha noolaato iyo Puntland ha noolaato.

Abdulkadir Hindi

Boston, USA

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: