Calendar

Dagaal ka dhacay ceelasha biyaha oo dhexmaray ciidamada dawlada iyo AMISOM oo wada socda iyo kooxda Alshabaab

Dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Arbacow ee ku yaala duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo socday muddo saacad ku dhow ayaa ka dambeeyay markii xoogaga Al-Shabaab weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada ku lahaayeen deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu soo kala gaaray qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dadka deegaanka ay soo wariyeen inay arkeen meydadka ilaa afar ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen tiro dagaalyahano ah, isla markaana meydadkooda uga carareen halkii lagu dagaalamay
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawacyada askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku dhaawacmay dagaalka la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid qorsheysan oo saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin ay ku qaadeen.

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenadii la soo dhaafay weeraro qorsheysan ku qaadayay deegaanka Arbacow iyo deegaano u dhow dhow Ceelasha Biyaha oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: