Calendar

Xujeyda oo maanta taagan banka Carafo iyo bari oo iid ah

Ilaa Hal malyuun oo xujey ka kala yimid caalamka daafihiisa ayaa saaka taagan Baanka Carafo, si ay u gutaan waajibka ugu muhiimsan ee acmaasha xajka, iyadoo sanadkan uu ka yar yahay tirada dadka soo xajisay sanadihii hore, maadaama ay yareysay dowladda Sacuudiga.

Xujeyda oo ka kala yimid caalamka daafihiisa ayaa tiradooda ay dhan tahay 1.3-milyan oo ruux, waxaana ay saakay ka soo kala haleen Mina, oo ay xalay ku hoydeen.

Buurta Carafo oo ay saakay taagan yihiin Xujeydo waxaa ka dhici doona Alle tuugga ugu wayn, maadaama uu Nabi Maxamed (NNKH) uu yiri “duco waxaa ugu khayr badan midda Carrafo”waxaana halkaas ay wufuudda ilaah joogi doonaan illaa gabbal dhaca maalintaas.

Inta aan la tukan salaadda maqrib ayaa Xujjaydu ka tagayaan Buurta Carabo, waxaana maqribka loo tukanayaa Muzdalifa oo ah goob ka mid ah goobaha Xajka, halkaas ayayna ku baryi doonaan Xujjaydu habeenkaas.

Maanta oo ah Sagaalka Carafo waa maalinta la dhameystiray soo degista Quraanka Kariimka, waana maalin ahmiyad gaar ah u leh Muslimiinta ku nool Caalamka.

Dowladda Sacuudiga ayaa boqolaal kun oo mutadawiciin ka qeyb qaata hadii ay shil dhacaan geysay goobaha xujeyda ku gudan doonaan acmaasha xajka, waxaana jira goobo caafimaad oo laga hirgeliyay xaramka iyo goobo kale.

Sanadkan ayaa waxaa ka mid ah dadka Xajinaya Madaxweynayaal ka socda dalalka Islaamka, sida Madaxweynaha Turkiga Abdallah Gul, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Mauritania iyo madax kale oo Muslimiin ah

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: