Calendar

Maxaa Kusoo Kordhay Geeridii Naxdinta Lahayd ee Tal. Bol. Soomaaliya

 

Mohamed Sh Hassan Somali Police

HOOS KA AKHRISO WIXII SOO KORDHAY

Xukuumadda Soomaaliya oo guddi u saartay geerida taliyihii ciidanka booliska Soomaaliya

Muqdisho (BARTAMAHA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo si kadis ah galabta ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsi u diray qoyskii asxaabtii iyo Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan Allah uga baryeynaa in uu naxariistiisa ka waraabiyo Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamadda booliska Soomaaliya isla markaana qeyb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka booliska.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga Wasiiro ah oo ka kooban shan (5) oo beeritaan kusoo sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxayna kala yihiin.

1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)
4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoona wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda iyo gobollada dalka mudadii uu xilka hayey.

——————

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay ku simaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho (BARTAMAHA) Wasiirka Amniga Qaranka mudane Khaliif Maxamed Ereg oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in loo magacaabay Sareeyo guuto Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) in uu sii hayo xilka Taliyaha ciidanka Booliska oo uu tilmaamay in muhiim ay tahay in la buuxiyo howshii baaxada laheyd ee uu hayay Allaha u naxariistee General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Ereg waxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u magacaabay ku simaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaddib markii uu galabta uu geeriyooday Allaha u naxariistee Taliyihii ciidanka booliska dalka.

Sareeyo guuto Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) ayaa si KMG ah loogu magacabay xilka Taliyaha Booliska Soomaaliyed kadib geeri ku timid saacado ka hor Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Sareeyo guuto Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) oo ah Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo uu ka mid yahay saraakiisha mudada badan ku soo jiray howlaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoona wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda iyo gobollada dalka mudadii uu xilka hayey.

——————

Madaxweynaha,ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii ciidammada booliiska Soomaaliyeed

Muqdisho (BARTAMAHA) Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka isku taga imaaraadka Carabta ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid allaha u naxariistee Gen.Maxamed Sheekh Xassan Ismaaciil oo ahaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed .

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ummadda Soomaaliyeed,Ciidanka Booliska iyo ehelkiisaba uga tacsiyadeeyay geerida taliyaha isagoo xusay in Generaalku ahaa wadani muujiyay karti iyo howlkarnimo muddada kooban ee uu xilkan hayay.

Mudane Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu ku tilmaamay allaha u naxariistee Generaal Maxamed Sheekh Xassan nin waqti badan oo noloshiisa ka mid ah ku bixiyay sidii ay amni iyo kala dambeyn u heli lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed taasoo ugu dambeyn isagoo ummadiisa u adeegayo uu alle oofsaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Xasan Ismaaciil oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee walaalkeen General Maxamed Xasan oo ahaa Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed,waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano siiyo,dhammaanteenna uu samir iyo iimaan naga wada siiyo”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa isna dhankiisa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo si kadis ah galabta ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

——————

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo Geeriyooday

Muqdisho (BARTAMAHA) Allaha u Naxariisto Taliyahii Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Shiikh Xasan Ismaaciil ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markuu wadnuhu istaagay.

Geerida Taliyaha waxaa warbaahinta u xaqiijiyey saraakiil ciidan oo ka agdhawaa Taliyaha.

Taliyaha Booliska ayaa soo shaqo tagey maanta waxaana si deg deg ah ugu soo booday xanuun markaa loo la cararay Isbitaalka ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho halkaa oo markii dambe uu ku geeriyooday.

R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa xilka Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed dhowr bilood kahor u magacaabay Gen. Maxamed SH Xassan Ismaaciil kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii ka horeeyay Jen Saacid.

Muuqaal: Markuu xilka AUN Gen. Maxamed la wareegayey

Wixii faahfaahin ah halkan kala soco.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: