Calendar

Meydka taliyihii booliska Soomaaliyeed oo Nairobi loo qaaday iyo Dad tuhun ahaan loogu xiray geeridii Taliyaha

MEYDKA TAL. BOOLISKA OO NAIROBI LOO QAADAY - www.Bartamaha.com

Muqdisho (BARTAMAHA) Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhow laga duuliyay maydka allaha naxariistee taliyihii ciidamada booliska Soomaaliyeed Jen Maxamed Sheekh Xasan Cismaaciil,waxaana la sheegay in la geyn doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya si baaritaan loogu sameeyo.

Diyaarada lagu qaaday Meydka Marxuunka waxaa raacay Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa Raxanreeb u sheegay in meydka taliyaha Nairobi loo geynayo si loo ogaado waxyaabaha uu sababsaday.

War baahinsa Soomaalida ayaa tan iyo xalay baahinaysay warar an wali la xaqiijin oo sheegaya in taliyihii ciidamada booliska Soomaaliyeed la siiyay sun,kaddibna uu u geeriyiiday,waana taas mida sababtay in meydkiisa la qaado.

Dhinaca kale,warar soo baxaya ayaa sheegaya in tiro dad ah loo xiray kiiska la xiriiray geerida Taliyaha ee sida kediska ah ku dhacday, waxaana dadka la xiray ku jira nin dhaqtar ah oo daawo siiyay taliyaha ka hor inta aanu geeriyoon, isla markaana markii hore uu xanuun ahaan ugu tagay dhaqtarka.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida taliyaha waxaana ra’iisul wasaaraha u isla xalayba magacaabay ku simaha taliyaha ciidanka booliska.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: