Calendar

Degdeg: Alshabaab oo sheegatay qaraxii ka dhacay magaalada Addisababa

Al-Shabaab ayaa war ay soo dhigeen Barta Twiterka  waxa ay ku sheegteen Masuuliyadda Qaraxii ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 2 Ruux.

Al-Shabaab ayaa waxa ay warka ay soo dhigeen Twiterka ku sheegeen in ku dhawaad 10 qof ay ku dhinteen qaraxaasi iyagoo sidoo kalana ku hanjabat weeraro dheeraad ah inay ku qaadi doonaan Itoobiya.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Bole ee Magaalada Addis ababa ee Soomaalidu ku badantahay maalintii Shalay ahayd.

Dhanka kale dowlada Ethiopia ayaa waxa ay horay u sheegtay in Qaraxa uu ka dhacay guri kuyaalla Xaafada Bole ee Magaalada Addis Ababa ayna ku dhinteen dad aanana weli haybtooda la aqoon, ayna wadaan Baaritaano la xariira ciddii ka dambeysay Qaraxasi .

Al-Shabaab ayaa waxa ay horay ugu hanjabeen in ay Weearo ka gaysan doonaan Wadamada ay Ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, iyadoo Qaraxa Addis Ababa ka dhacay uu ku soo beegmayo xili dhawaan Xarakada Al-Shabaab ay sheegteen Masuuliyada Weerarkii Westgate ay dadka faraha badan ku dhinteen.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: