Calendar

Dawlada Itoobiya oo shaacisay in qaraxii Addisababa ay ku dhinteen labo nin oo Soomaali ah

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay Xaafada Bole ee magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ku dhinteen labo nin oo Soomaali ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada nin Soomaaliga ay guri ka kireysteen Xaafada Bole oo ay Soomaalida ku badan tahay, iyadoo guriga ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Ilaa iyo hada cid sheegatay ma jirto qaraxa, hase ahaatee waxaa uu u muuqday mid la sii diyaarinayay ka hor inta aan bartilmaameedkiisa la gaarin.

Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegeysa in Ciidamada ammaanka ay la wareegeen guriga qaraxa ka dhacay, deetana ay baarayaan jirka dadka ku dhintay qaraxa.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku wargeliyay dadka Itoobiyaanka in aanay guryaha ka kireyn dadka aysan aqoon, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada, iyadoo loo digay dadka gawaarida kireeya in sidaas si la mid ah aanay dadka aysan aqoon gawaarida ka kireyn.

Sirdoonka Itoobiya ayaa ku howlan baaritaanka qaraxa ka dhacay Addis Ababa, inkastoo aanay dowladda cidna wali ku eedeyn.

Dowladda Itoobiya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay sheegtay inay ka hortagtay qaraxyo iyo weeraro la qorsheynayay in meelo ka mid ah Addis Ababa lagu qaado sida Xarunta Midowga Afrika.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: