Calendar

Dib u dhis ballaaran oo ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle International Airport  oo dhawaan maamulkiisa lagu wareejiyey shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa waxaa ka socda dib u dhis ballaaran oo lagu samaynayo qaybaha uu ka kooban yahay garoonku.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho Axmed Ibraahim Iimaan ayaa ka warbixiyey dhismaha ballaaran ee ka socda garoonka Aadan Cadde,wuxuuna sheegay in qaybo badan oo garoonka ka tirsan uu ka socdo dib u dhis baaxad leh oo la doonayo in sare loogu qaado hawlaha garoonka iyo bilicdiisa.

Maareeyaha ayaa sheegay in shirkadda Favori ee dalka Turkiga oo dhawaan la wareegtay maamulka garoonka Aadan Cadde iney durba bilowday hawlo lagu ballaarinato garoonka isla markaane dib loogu dhisayo qaybo badan oo ka tirsan garoonka oo xiligan uu ka muuqdo burbur baahsan.

Axmed Ibraahim Iimaan ayaa tilmaamay in shirkaddu ay dumisay Taawarkii diyaaradaha lagu hagayey ee garoonka  ayna bilowday dhimaha Taawar cusub oo casri ah oo garoonku uu yeelan doono,wuxuuna tibaaxay in shirkada lagu wareejiyey garoonka iney ka go’an tahay horumarinta garoonka iyo dhismihiisa.

Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney ka dhabaysay ballan qaadkeedii isagoona sheegay in mudada ay hayso xilka maamulka garoonku ay ka yartahay bil  ayna garoonka ka bilowday hawlo fara badan oo dhismaha garoonku uu qayb ka yahay.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in wajiga hore ee dib u dhiska ballaaran ee garoonka diyaaradaha Muqdisho uu qaadan doono muddo Saddex bilood ah isagoona xusay inuu sii socon doono dhismaha garoonka ilaa garoonku uu la mid noqdo garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee dunida.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: