Calendar

Dowladda Kenya oo si rasmi ah u shaacisay in ay ku biirtay howlgalka AMISOM.

Sida ay baahisay warbaahinta Dowladda Kenya ee KBC, Ciidamada Kenya ee howlgalada ka wada Koofurta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ugu biiraya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale KBC waxa ay sheegtay  Koofiyadaha iyo dharka in laga badal doono.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan koonfurta Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay marka ay bishan dhamaato in ciidamada Kenya ay si rasmi ugu howgali doonaan Magaca AMISOM.

Sidoo kale, waxa la sheegay tirada ciidamada AMISOM in la gaarsiiyay ilaa 4,660-Askari, kuwaas oo xoogooda iyo hal guuto oo Ciidan Sirloin ah ay ka howlgali doonaan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Juubooyinka iyo Gedo.

Dowladda Kenya ayaa bartamihii bishii October ee Sanadkii hore, waxa ay si iskeed ah ciidan ugu soo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo dagaalo kula jiray Al-Shabaab, kaddib markii weeraro iyo afduubyo ay ka geesteen Kooxo hubeysan kudaha Dalka Kenya kuwaas oo xukuumada Nairobi ku eedeesay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Golaha ammaanka ayaa ansixiyay in Ciidanka AMISOM laga dhigo ku dhawaad 18,000 Askari, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin ciidanka Kenya. si loo xiijiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo ku biirtay Al-Qaacida.

Kenya sidoo kale waxa ay in mudda ah rabtay in ay taliyeyaal ku yeelato hogaanka AMISOM, in kastoo arrintaas ayn socon weysay, haddana ugu yaraan waxa ay ku  leedahay dhowr Taliyeyaal howlgalka AMISOM, kuwaas oo xaruntooda noqon doona Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay ee Ciidan Kenya dagaal dalkooda ka baxsan ka qeyb galaan tan iyo markii ka xoroobeen Gumeysiga UK, lixdameeyadii.

Ma cadda waxa ay ka badali karaan Ciidanka Kenya howlgalka AMISOM oo bilowday sanadkii 2007-dii.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: