Calendar

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Safar gaaska

Muqdisho, March 29, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaasoo ay uga qeybgalayaan kulan uu soo qaban qaabiyay xafiiska siyaasada ee Q/midoobay UNPOS kaasoo looga hadli doono horumarka dhinacyada Siyaasada, Ammaanka iyo Roadmap-ka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka Caalamiga ah ee Aadan-cadde warbaahinta la hadlay isaga oo sheegay in shirkani uu socon doono muddo hal maalin ah ayna kasoo qeybgali doonaan beesha caalammka iyo hay’addaha Q/midoobay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay xaaladda dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in beesha caalamka ay faah faahin ka siin doonaan waxyaabihii u qabsoomay dowladda Federaalka dhanka xoreynta gobolada sida, qeybo ka mid ah Galgaduud, Jubbooyinka, Bay iyo Bakool “Waxaan sidoo kale faah faahin ka siin doonaa horumarka Roadmapka iyo shirarkii ugu dambeeyey ee natiijo wanaagsan ka soo baxday” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Dowladdu ay u sharixi doonto dhaqangelinta go’aanadii shirkii London.

Dhinaca kale, Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xafiisyada Laanta Socdaalka iyo Jinsiyaddaha, gaar ahaana qeybaha socdaalka oo dhowaantan si wanaagsan loo dayactiray lana qalabeeyay.

Kusimaha ayaa u mahadceliyay hogaanka socdaalka iyo Jinsiyaddaha sida howlkarnimada leh ee ay u maamulaan howlaha socdaalka iyo jinsiyaddaha, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Jeneral Gaafow oo ah madaxa laanta Socdaalka iyo Jinsiyaddaha.

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: